Kulan rasmiya oo wada yeelnayaan Madaxawyne biixi iyo lbada hogaamiye ee xisbiyda mucaardka ah oo la filayo in axada aay fool ka fool isku arkaan

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa u dhaw in Bari oo Axad ah fadhi la iskugu keeno kadib ergo siyaasiyiin u badan oo mudooyinkii u dambeeyay dhex dhexaaadin ka waday.

 

Kulankii ay ku kala aragti duwanaadeen ee ay isku afgaran waayeen Sii joogitaanka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa ugu dambeeyay isku imaatin iyo Kulan ay iskugu yimaadaan, iyagoo Xisbiyadda Mucaaridku iyagu taagnaa, ama ku dhegsanaa laba Qodob oo kala ahaa in Xubnahan Komishanka ah ee hadda jooga lakala diro oo kuwo Cusub lasoo magacaabo iyo in laba Xubnood loogu kordhiyo Xisbiyadda Mucaaridka arintaasi oo uu ganafka ku dhuftay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xisbigiisa Kulmiye, taasi oo aakhirkiina keentay inay Xiitaa isku seegaan Saaxiibkii Faysal Cali Waraabe oo xidhiidh dhaw ay lahaayeen Madaxweyne Muuse Biixi oo ay imika ka hor arimo badan oo Siyaasadeed isku aragti ka ahaayeen ama isku waafaqsanaayeen, balse uu khilaafkaasi kala irdheeyay.

Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay in Ergooyin mudooyinkii u dambeeyay u kala dabqaaday Madaxtooyadda Somaliland iyo Gudoomiyayaasha Xisbiyadda Mucaaridka ah ee WADDANI Iyo UCID oo isku soo jiidayay ay soo gababawday islamarkaana la filayo inay Maalinta Barito ah oo Axad ah ay kulan iskugu keenaan islamarkaana ay isasoo horfadhiisinayaan Madaxweyne Muuse Biixi, Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Labdaasi Gudoomiye ee kale, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro. Majiro war rasmi ah ama warmurtiyeed arintani ka hadlaya oo kasoo baxay Dhinacyadan oo warkaasi Xaqiijinaya balse Siyaasiyiin u dhuun daloola arintaasi ayaa Wargeyska Foore u sheegay inay arintaasi u dhawdahay inay soo gabo gabawdo ama soo afmeeranto oo Maalinta bari ah la isku soo horfadhiisin doono, haddii aanay dhicin arimo kale oo baajiyaa ama dib udhigaa.

Ergooyinka Hawshan dhex dhexaadinta ah wada ayaa sida lanoo xaqiijiyay waxa ay ubadan yihiin Masuuliyiin Madaxweyne ku xigeeno kasoo noqday Dalka Somaliland oo uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay ee Somaliland Muj Xasan Ciise Jaamac, Madaxweyne Ku xigeenkii labaad ee Somaliland Cabdiraxmaan Awcali Faarax, iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii Xukuumaddii UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Sidoo kale Siyaasiyiin kale. Khilaafkan u dhexeeya Xisbiyadda Mucaaridka iyo Madaxtooyadda Somaliland ayaa loo aanaynayaa inay sabab u tahay dib udhaca doorashooyinka mar kale ku yimid waxaanay hadda u muuqataa inay ergooyinkani ku dhiirigalinayaan inay dhinacyada is-hayaa tanaasul siyaasadeed la yimaadaan si uu dalku ugu diyaar garoobo Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka iyo ta Golaha Wakiiladda oo dhawr jeer dib ugu dhacday, lana wada mudeeyo wakhti ku haboon oo ay ku qabsoonto doorashadu.

Lama garanayo halka ay sal dhigan doonto aragtiyihii Siyaasadeed ee hore la iskugu khilaafay iyo halka uu ka iman doono Tanaasulku, in Madaxtooyaddu tanaasusho oo Xubnaha Komishanka lakala diro ama laba xubnood lagu daro iyo in Mucaaridku tanaasulo oo sidaasi doorashada lagu kalo, oo ay wada mudeeyaan wakhti doorashadan ina sugaysaa ku qabsoonto.