Guddoomiyihii guddiga amniga baarlamaanka K/G oo lagu dilay Baydhabo

0

Waxaa maalinkii labaad magaalada Baydhabo ka socdaa dibadbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo xiritaanka Mukhtaar Roobow(Abuu Mansuur).

Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya Baydhabo waxay sheegayaan in saaka gudaha magaalada lagu dilay guddoomiyihii guddiga amniga ee baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaan Cabdishakuur Yacquub Buulle.

Rabshado ayaa ka dhacay magaalada oo u dhexeeyo ciidamada ammaanka iyo dad ka careysnaa xiritaanka Mukhtaar Roobow, waxaana rabshadahaasi sidoo kale ku dhintay wil yar oo 10 jir ah.

Waxaana lagusoo warramaya in magaalada ay ka taagan xiisad iyo jahwareer.

ARKII DANBEEYAY

Dad ku dhintay qalalaase ka taagan Baydhabo

Wararka inaga soo gaaraya magalaada Baydhabo ee dalka Soomaaliya waxay sheegayaan in 11 qof ay ku dhinteen dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay gudaha magaalada.

Rabashadaha ayaa ka dhashay markii ay isku dhaceen dad ka careysan xiritaanka Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur iyo laamaha ammaanka magaalada Baydhabo.

Dadweyne careysan ayaa lagu arkayay waddooyinka magaalada Baydhabo oo gubayo taayarro.