Madaxweyne Afwerki oo booqasho ku tegay Muqdisho

0

Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyey Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray dalka.

Afwerki iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalin ah ku joogi doona dalka, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Booqashadan ayaa salka ku haysa abuuridda hannaan iskaashi iyo mid diblumaasiyadeed oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo Eretria, iyo dardargelinta qorsheyaasha wadajirka ah ee ku aaddan amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga”

Bishii July ayaa madaxweynaha Soomaaliya waxa uu booqday magaalada Asmara ee dalka Eritrea, taasi oo billow u ahayd in xiriirka labada dal uu dib usoo noolaado.