DEG DEG, Xildhibaan Maxamed Isaaq Cismaan Fanax ayaa BBC sheegay in ciidammada Itoobiya ay jirddileen Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur isla markaasna ay la tageen

0

Xildhibaan Maxamed Isaaq Cismaan Fanax ayaa BBC sheegay in ciidammada Itoobiya ay jirddileen Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur isla markaasna ay la tageen.

“Magaalada waxaa ka dhacay, musharraxiinta madaxweynaha ayaa looga yeeray aqalka madaxtooyada Koonfur Galbeed, markii dambe, ciidammada Itoobiya ayaa jirddilay wayna la dagaalameen” ayuu yiri xildhibaanka.

Wuxuu sheegay in Mukhtaar Roobow uu ku maqan yahay gacanta ciidamada Itoobiya. ilaa hadda si madaxbanaan looma xaqiijin karo cidda xirtay Abuu Mansuur.

Magaalada Baydhabo waxaa hadda ka socdaa dagaal culus oo u dhexeeyo dad ka careysan xiritaanka Abuu Mansuur iyo laamaha ammaanka.