Biriijyada u dhexeeya berbera iyo Magaalada Burco ayaa marwalba dhaawac loo gaystaa iyadoon illaa iminka la garanayn cida gaysnaysa,+muuqaal+sawiro

0

Biriijyada u dhexeeya berbera iyo Magaalada Burco ayaa marwalba dhaawac loo gaystaa iyadoon illaa iminka la garanayn cida gaysnaysa,
Sanadkan gudihiisa 2018 waxaa dib loo hagaajiyay labada biriij ee kala ah KALAJAB oo berbera u jira wax ka yar 25km iyo biriijka DUBUR oo Degmada Sheekh u Jira wax ka yar 10km, dabayaqadii sanadkii 2017 kii waxaa Dib Looo hagajiyay dhaawacyo Loo gaystay Biriijyada Xayramadle oo Kasoo Hooseea Tuulada Hundusa iyo biriijka u Dhoow Tuulada Geeloo Kor,
Hadaba waxaa la Iswaydiinayaa yaa Bur Burinaya Biriijyadan oo u gaysanaya dhaawaca isku midka ah,
Waxaa inta badan bulshadu ku murantaa waa masiibo gacan ibna aadan iyo biriijyada oo la sheego in aay gaboobeen oo marka biyo yar ku fadhiistaan kadib dhaawacani yimaado, dadka qaarkoodna waxaay qabaan in tankii baabuurtii loogutalo galay mid ka culus maro,
Dad Ku dhaqan Tuulooyinka Dubur, Hundusa, Geelookor iyo Tuulo Barwaaqo oo aanu Si Furan u waraysanay ayaa si yaabo kala duwan uga warbixiyay dhibaatadan soo noq noqatay ee loo gaysanayo biriijyada, waxaany u sheegeen HWN in loo baahan yahay in illaaliyaal ama washmaano habeenkii ah loo sameeyo biriijyadan waayo ayay yidhaahdeen inta badan dhibaatadani waxay dhacadaa habeenii oo socodka baabuurtu yaraado, waxaanay intooda badan aaminsanyihiin in gacanta dadka lagu bur buriyo ,
Biriijyadan la jarayo ayaana halis badan ku haya baabuurta wadadaa mara sababtoo ah gawaadhidu intooda badan xawli ayaay ku socdaan waanay ku adag tahay in aay ka war qabaan dhaawaca ku yaala biriijyada, Dhibatada kale ee jirtaa waxa weeye ma jirto cid iska xil saarta oo calaamad dhigtaa si loo garto in biriijkaasi go,an yahay ama dhaawac gaadhay, xataa wasaaarada shaqadaa leh iyo maamulak gobolka saaxilba war uma hayaan khatarta ka dhalan karta calaamad la,aanta biriijyada dhaawaca la gaadhsiyay.
Dabcana lagama maarmayo in hay,adaha dawladu iska kaashadaan dabogalka waxyaaabaha sababaya dhaawacan ku dhacaya biriijyada, tuhuno badan ayaana bulshada inteeda indheer garadka ahi sababah keenaya bur burkan loo gaysnayo kaabayasha dhaqaalaha oo wadau kow ka tahay,

HOOS KADAAWO DHAWAACA LOO GAYSTAY BIRIIJKAN