Mooshinkii Lagu qaaday farmaajo oo isku Rogay Gudoomiye Mursal iyo hanjabad Loogu Daray,

0

 

 

AKHRISO LABADA WAR EE  URURISKA BAARLAMAANKA XAMAR SAACADO GUDAHOOD  ISKU QALIN DAAREEN,

HADII AAD AQBASHO MURSALOW IN MOOSHIN LAGA KEENO FARMAAJO ADNA MOOSHIN AYA LAGAA KEENAYAA WAAN LAGA TUURAYAA  KURSIGA  WAAYO KII HOREBA  DHEGA ADAYG AYAANU UGA TUURNAY ,WAXAANAN SAARI DOONAA  KU XIGEENKAAGA OO DAACAD NOO AH, HADALKII QARSOODIGA AHAA EE KHAYRE KU YIDHI TELOOFANKA,

WARKA KOWAAD

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta mooshin xil ka qaadis ka gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ilaa hadda lama sheegin tirada rasmiga ah ee xildhibaanada gudbiyey mooshinka iyo sababta ay u cuskanayaan xil ka qaadista ay doonayaan inay ku sameeyaan madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa waxaa mooshin ka keeni kara 92 Xildhibaan oo ah saddex meel hal meel tirada guud ee xubnaha baarlamanka.

Si kastaba, mooshinka ayaa waxaa aqbalay guddoonka baarlamanka, sida ku cad warqad uu saxiixay xogahayaha hoogtada ee baarlamanka Cabdikariim Buux, oo la saaray shaabadda Xafiiska Guddoomiyaha Golaha shacabka ee galka Xafiiska

Arrintan ayaa ka dhigeysa in sharci ahaan Mooshinka inuu maray habraaciisa.

Dhinaca kale, xog ana helnay ayaa sheegeysa in hadda shir arrintan ku saabsan uu u socdo madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

 

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamanka Somaliya  C/wali ibraahim Muudey iyo Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mahad cabdalla Cawad oo Goordhow la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan waxba kala socon mooshinka uu guddoomiyaha Golaha Shacabka ka qabtay Xildhibaanada qaar ee Golaha.

Gudoomiye bMuudey ayaa sheegay in mooshinkaas uu yahay mid aan waxba ka jirin,isla markaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka inuu qabto uu ka keenay xanaaq,

Sidoo Kale Gudoomiye ku xigeenka ayaa la sheegay inuu qabtay Mooshin kale oo ay Xildhibaano ka soo Gudbiyeen gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal