Telefishinka ABC News oo warkan baahiyey ayaa tilmaamay in Amni-xumida ka jirta Somalia la gaarsiiyey Heerka 4-aad ee ugu khatarta badan, sida lagu muujiyey Halbeegga qiimeynta Hay’adda Ammaanka ee Maraykanka.
Digniintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Milliteriga Maraykanka kordhiyeen Duqeymaha ay ka geystaan Somalia, iyagoo Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ka taageera dagaalka ay kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab.
Bishii June ee sannadkan, Askari Maraykan ayaa lagu dilay, halka 4 kalena lagu dhaawacay dagaal ay Ciiddamo Maraykan iyo Alshabaab ku dhex maray Deegaanka Baar Sanguuni ee duledka Kismaayo.
Dilka Askarigaasi ayaa ahaa kii 2-aad oo Maraykan ah oo lagu dilo Somalia, tan iyo wixii ka dambeeyey iska horimaadkii Askar Maraykan iyo Maleeshiyo taabacsanaa Jeneral Caydiid oo ku dhex maray magaalladda Muqdisho sannadkii 1993-kii.
Si kastaba ha ahaatee, Digniinta Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ka soo saartay Khatarta dhinaca Socdaalka ee Somalia waxay ku soo beegantay iyadoo ay Maraykanka Safaarad Rasmi ah ka furteen magaalladda Muqdisho.