Ururka Midowga Afrika oo ka digay xiisad ka soo cusboonaata Burundi

0

Ururka midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin horumar la’aanta wadahadalada nabadda ee dalka Burundi.

Saraakiisha Midowga Afrika ayaa waxay ugu baaqeen dhinacyada isku haya dalkaasi Burundi inay ka fogaadaan talaabo kasta oo sababi karta in xurguftu ay sii dheeraato.

Digniinta ayaa soo baxday ka dib markii dowladda Burundi ay soo saartay warqad caalami ah oo lagu soo xirayo madaxwaynihii hore ee dalkaasi Pierre Buyoya.

Waxaa sidoo kale dowladda Burundi ay amartay in la soo xiro 16 saraakaal oo sar-sare.

Xukuumadda Burundi ayaa madaxwaynihii hore ee dalkaasi Pierre Buyoya iyo saraakiisha kale ku eedeeysay in ay mas’uul ka ahaayeen dilkii madaxwaynihii ugu horeeyay ee dalkaasi si dimuqraadiyad ah loo soo doortay

Digniinta Midowga Afrika ayaa u muuqata mid loola jeedo dowladda Burundi.

Wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda iyo mucaaradka ayaa la isku mari waayay.

Dadka qaar ayaa ka cabsi qaba in dowladda ay dib u soo kicinayso boogihii hore ee ku salaysnaa qowmiyadaha ka dib markii ay soo saartay warqadda lagu soo xirayo madaxwaynihii hore Pierre Buyoya.

Tallaabadani ayaa waji gabax ku ah Midowga Afrika sababtoo ah Mr Buyoya ayaa imika ah wakiilka gaarka ah ee AU ee dalka Mali.

Dilkii sanadkii 1993-kii lagu khaarijiyay madaxwayne Melchior Ndadaye oo ahaa hogaamiyihii ugu horeeyaay ee qowmiyadda Hutu ayaa dalkaasi ka dhaliyay dagaal sokeeyay oo ay ku dhinteen dad gaarayay 300’000 oo qof.

Mr Buyoya oo laba jeer oo hore afgembi dalkaasi kula wareegay wuxuuna si carp leh uga jawaabay eedeeynta ah in uu isaga ka dambeeyay dilka madaxwaynihii hore.