George H.W. Bush oo Geeriyooday

0
George H.W. Bush, mdaxweiyihii 41aad ee Mareykanka ayaa ku geeriyooday aqalkiisa oo ku yaalla magaalada Houston ee gobolka Texas.

Afhayeen u hadlay qoyska Bush ayaa warkaasi sheegey gelinkii dambe ee Jimcihi shalay.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa jirey 94 sano, waxana uu muddo la noolaa xanuunno, uu ku jiro midka ilowshiyaha keena iyo kuwa kale.

Intii noloshiisa uu siyaasadda ku jiray, waxa uuu Bush ku guuleystay marna ku guul dareytay tartan doorasho madaxweyne, isagoo noqdey madaxweynaha Mareykanka 1989-kii balse, dib u doorashadii looga adkaaday 1992-dii.

Bush ayaa waxaa u dhaxday oo xaas u noqotay Barbara Bush oo ay wada noolaayeen muddo 73 sano ah, waxay kulmeen iyaga oo dhalinyara ah.

Guurkooda ayaa ka mid noqday kuwi ugu waqtiga dheeraa ee madaxweyne Mareykan ah uu soo maro.

Barbara ayaa iyaduna dhimatay April sanadkan, iyadoo 92 jir ah,.