Itoobiya Oo Shaacisay Shuruudaha Lagu Soo Xulayo 59 Dublamaasi Oo Dhawaan La Magacaabayo

0

Dawlada Itoobiya ayaa shaacisay inay dhawaan magacaabayso qaar ka mid ah dublamaasiyiinta u qaabilsanaan doona wadamada debada.

sida ay ku warantay wakaalada Fana Afhayeen  u hadlay wasaarada arimaha debada Itoobiya oo lagu magacaabo  , Meles Alem  ayaa sheegay in la magacaabayo 59 dublamaasi oo qaabilsanaan doona wadamada ay Itoobiya xidhiidhka la leedahay.

Afhayeenka ayaa xusay in dhawaan la magacaabi doono dublamaasiyiintaasi, isaga oo tilmaamay  in xubnaha la magacaabayo ay noqon doonaan dad aqoonyahano ah iyo kuwo aan ka tirsanayn wasaarada arimaha dibada oo ah dublamaasiyiin.

Shuruudaha ugu weyn ee lagu soo xulayo dublamaasiyiinta Itoobiya u qaabilsanaan doona wadamada debada ayaa lagu sheegay inay ka mid yihiin aqoon, xirfad iyo dad xirfado dheeraad ah u leh dublamaasiyada

Afhayeenka u hadlay wasaarada arimaha dibada ee dalka Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in dublamaasiyiinta loo magacaabayo wadamada jaarka la ah ay noqon doonaan kuwo lagu soo xulan doono inay yihiin dublamaasiyiinta ugu fiican ee leh khibrad suurtagal ah oo lagama maarmaan u ah xidhiidhka ajaanibka iyo dalka Itoobiya.

Xubnahan ayaa sidoo lagu soo xuli doonaa khibrada ay u leeyihiin siyaasada amniga qaranka Itoobiya.