Soomaali weerar ku qaaday macbad Yahuudeed oo ku yaalla Dalka Maraykanka

0

Soomaali weerar ku qaaday macbad Yahuudeed oo ku yaalla Dalka Maraykanka

Nin Soomaali ah oo ku nool magaalada Seattle ee dalka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay Dambi naceyb ah kadib markii dacwad oogayaashaay sheegeen inuu isku dayay inuu raacdeysto labo ruux oo ku sugnaa macbad Yahuudeed ku yaala magaalada Los Angeles.

Maxamed Maxamed Cabdi oo 32 jir ah ayaa ku qeylinayay labada ruux, kala duwanaanshahooda xagga diinta darteed, isagoo kaga soo baxay dariishada gaarigiisa, waxaana uu isku dayay inuu waxyeeleeyo, sida ay sheegeen qareenada xafiiska magaalada Los Angeles, waxaana la sheegay labada ruux oo wada dhinaceeda ku lugeynayay inaysan waxyeelo gaarin.

Maxamed ayaa intii uu ku mashquulsanaa labada ruux wuxuu ka baxay wadadii uu ku socday, waxaana uu ku dhacay gaari gale, sida ay sheegeen saraakiisha booliska, iyadoo isla goobta  lagu xiray.

Waxaa Maxamed lagu eedeeyay labo dambi oo hal mar dhacay, kan koowaad oo ahaa fal naceyb ah iyo kan labaad oo ahaa inuu gaarigiisa ku dhacay mid kale, waxaana la sheegay inuu galay dambi aan dhiig ku daadan.

Qareenka u doodayay Maxamed oo maxkamadda ay u qabatay Micheal R, Enger, ayaanan wax jawaab ah ka bixin kiiska loo heysto Maxamed.

Maxamed, oo lagu sii deyn karo damaanad dhan $500,000, ayaa suuragal ah inuu wajaho xabsi sideed sano iyo sideed bilood ah oo uu ku qaadanayo gobolka, sida qaadiyaasha ay sheegeen.

Maxamed ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho, laakiin wuxuu ku nool yahay dalka Mareykanka oo dhalasho uu ka heysto, sida uu sheegay Frank, waxaana booliska ay sheegeen in markii la wareysanayay uu qariyay xog badan oo ku saabsan isaga, isagoo magaciisa ku sheegeen Maxamed Maxamed Cabdi.