Maxaa sababay guulaha dumarka Soomaalida ay ka gaareen siyaasadda Mareykanka?

0

Guushii siyaased eed ee ay dhawaan gaadheen qaar ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee Mareykanka ayaa soo jiidatay indha qaar ka mid ah shakhsiyaadka iyo ururrada u ololeeya xaquuqda dumarka.

Dadka taariikhda ku galay doorashadii xilliga dhexe ee dhawaan Mareykanka ka dhacday waxaa ka mid ah Ilhaan cumar oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo ku biirta Koongareeska mareykanka iyo dumarka kale oo soomaaliyeed, kuwa aoo loo doortay golaha deegaanka ee Minesota, arrintaas oo ay u riyaaqeen dad badan oo Soomaali ah iyo ururrada u dhaqdhaqaaqa arrimaha dumarka.

Dadka loo aaneynayo guusha Ilhaan Cmar ayaa waxaa ka mid ah Habboon Cabdulle oo ah madaxa hay’adda Women Organizing Women Network oo ka hawlgasha Minneapolis, una dhaqdhaqaaqda abaabulka iyo gacansiinta dumarka.

Haboon oo BBC-da la hadleesay ayaa waxaa ay sheegtay in iyagoo dowr ah ay ka wada hadleen sidii ay isku abaabuli lahaayeen oo ay u gacan siin lahaayeen dumarka doonaya inay ku biiraan siyaasadda.

Haboon ayaa sidoo kale sheegtay in ay aad ugu farxeen guushii Ilhaan, madaama ay soo garab istaageen.

” Guushii ilhaan si weyn ayay inoo taabatay, Ilhan waxay aheyd gabadhii ugu horeesay ee aan dhiiragelinay, markii ay heshay waxay inoo aheyd guul weyn ka dumar ahaan oo waxaa inoo rumowday hamigeeni” Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Haboon oo madax ka ah hey’ad ka shaqeysa gacansiinta dumarka.

Mar Habaoon wax laga weydiiyay in guusha Ilhan ay dhiira-gelin u tahay haweenka qaxootiga ay ka qeyb galaan siyaasadda Mareykanka ayaa waxaa ay sheegtay in Ilhan aysan dhiiragelin haweenka Mareykanka oo keliya, balse ay dhiira-gelisay guud ahaan dumarka Soomaaliyeed ee ee kunool qeybaha kale ee dunida.

Ilhan oo keliya ma ahan dumarkii ku soo baxay doorashooyinkii dhawaan ka dhacay dalka Mareykanka, balse waxaa jira dumar kale oo Soomaali ah, kuwaa oo iyagu na loo doortay golaha deegaanka.

Ilhaan Cumar, oo ah gabar qaxooti ah oo Soomaaliya ka timid, isla markaana dhawaan loo doortay xubinnimada aqalka wakiillada ee Koongareeska Mareykanka, ayaa ku biirtay olole ay hoggaamiyeyaasha xisbiga dimuqraaddiga ku doonayaan in wax looga beddelo xeer uu aqalkaas ku dhaqmayay muddo 181 sano ah.

Ururka u dooda xuquuqda dadka muslimiinta ah ee ugu weyn dalka Mareykanka iyo gabadha uu dhalay madaxweyne Donald Trump ayaa taageeray isku day ay gabar muslim ah oo ka soo jeedda Soomaaliya ku dooneyso in wax looga baddalo sharci muddo aad u dheer ka jiray aqalka wakiillada Mareykanka, oo ah inaan madaxa lagu daboolan Karin gudaha aqalkaas.