Harada Lake Victoria oo ah bad Macaan una dhaxaysa wadmada Uganda, Kenya iyo tanzania ayaa Shilalka Doonyaha qalibmayaa kusoo mateen Tii u danbaysayna waxaa ku Qaraqmay Boqol qof waxana ku dhinaty 29 qof

0

Ugu yaraan 29 qof ayaa ku geeriyootay kaddib markii dooni ay saarnaayeen ay ku qalibantay harada Victoria ee dalka Uganda, sida ay sheegeen booliska Uganda.

Doonta waxaa saarnaa dad gaarayo 100 qof xilliggii ay ku degtay harada Victoria meel u dhaw caasimadda Uganda ee Kampala.

Warbaahinta Uganda ayaa ku warrantay in dad magac ku leh bulshada dalkaasi ay saarnaayeen doonta, waxaana dadka ka badbaaday shilka kamid ah amirka maamul dhaqameed halkaasi ka jiro.

Harada Victoria waxaa kusoo noq noqday shilalka doomaha inta la buux dhaafiyay.u-xigeenka afahayeenka booliska, Patrick Onyango ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in doonta ay rar xadh dhaaf wadday isla markaasna ay hawada xumeyd.

In ka badan 20 qof ayaa laga soo badbaadiyay biyaha, booliskana waxay sheegeen in tiro dad ah aanan weli la helin.

Daudi Kintu Wasajja oo la dhashay boqorka maamul dhaqameedka Buganda ayaa kamid ah dadka lasoo badbaadiyay.

Rakaabka saarnaa doonta waxay ku wajahnaayeen munaasabad ka dhaceysay aggaasi.

  • Baaxad ahaan waxay ka weyn tahay dalka Switzerland, Harada Victoria waa harada ugu weyn ee ku taalla qaaradda Afrika, waana midda labaad ee ugu wayn dunida.
  • Haradan waxaa nolol ahaan ugu tiirsan dad gaarayo 30 Milyan oo qof oo ku nool dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania.
  • Waxaa saameyn ku haya wasakhda lagu qubo Harada iyo heerarka biyaha uu hoos dhaca.
  • John Hanning oo ka tirsanaa guumaystihii Ingiriiska ayaa ugu magac daray Boqoraddii Ingiriiska Queen Victoria markii ay booqatay Harada sannadkii 1858-dii.