Ajaniga iyo Muwaadinka ka Shaqeeyay Garoonka Diyaaradha ee Berbera waxaa badan Ajaniga, shaqadii aanu qaban lahayna iyaga qabta, cabshada farsamo yaqaanka berbera

0

Sidaynu ognahay  garoonkii diyaaradha ee berbera  waxaa ka socota shaqo  balaadhan  oo dib loogu casriyaynayo  waxaanna dhisanaya dawlada imaraadka carabta, hadaba shaqadaa    wayn ee dhinacyada badan leh   eek a socota garoonka  waxaa badiba k shaqeeya dad ajanabi ah  inkastoo  xukuumad Somaliland  marar badan ku cel celisay in shaqada  wixii muwaadinku qaban karo aan lasiinin dadka  waaridka lagu keenay ee ajanabiga ah,

Raga farsamo yaqaanada ah ee Reer Berbera ayaana tiroba afar jeer ka hadlay  dhibaatada ka haysta shqo la,aanta iyo sida shaqadii aay qaban lahaayeen  aay u hayaan dad u dhashay hindiya, bakistaan,  iyo indho yar laga  soo kiraystay  wadanka imaaraadka carabta ,

Shirkada  qandaraska  qaadatay ee dhisaysa garoonka diyaaradha berbera  waxaay dhegaha ka furaystay amarada  xukuumad Somaliland kazoo baxaya  xataa  digreetadii uu soo saaray madaxwayne biixi  eek a hadlaysay xaqa muwaadinku u leeyahay shaqada  wixii uu qaban karo,

Hadaba saaaka oo markii  shanaad aay   ka hadleen  dadkan farsmao yaqaanka iyo muruqmaalka isugu jira  ee magaalada  berbera ayaa  cabdi sulub  oo kamida  farsamoyaqaanada  dhanka dhismaha  mudo dheer kusoo jiray  ayaa yidhi  Ergo waay dhamaatay  wasaardihii shaqadan lahaana   dacwdayadii  waay gaadhay  illaa iminkana waxba lagaba qaban   wiig walba waxaa  debada laga keenaa  20 illaa 30  ajanaiya oo aan dalka u dhalan  shaqadii aanu qaban lahayn,na  iyaga loosoo kiraystaa,,

Mr cabdi Sulub  o hadalkiisa sii wata  mar uu la hadlaayay HWN wuxuu sheegay  in  xataa  Beri  ama saandanbe aay ogadeen in  shaqaale cusubi uga soo degayan  garoonka diyaaradaha ee hargaysa , markaa  wuxuu yidhi waxaan garan laanahay  Amarada Madaxwaynaha iyo xukuumadu  ma waxaan jirin baa oo afka baarakiisa ah,

Garoonka Diyaaradaha ee   Berbera  way isleegyihiin Shaqalaha Ajaniga ah iyo   kuwa somalilandr ka ah ee ka shaqeeya  sidaano illo xog ogaala  ka helnayna  shaqaalaha somalilanderka ahi malaha heshiis rasmiya oo lala galay , malaha xuquuqda aas aasiga ah, sida caafimaadka, fasaxyo iyo waliba  goob aay seexdaan iyo cuntaba halka kuwa Ajanabiga ahi aay haystaan helaana  heshehiis  Rasmiya  oo ay ku shaqeeyaan, Hoy Cunto, caafimaad  xata wararka anu ka dhex helnay  Shaqaalaha Aya noo xaqiijiyay in aanay isku mushshar ahayn muwaadinka iyo Ajanabigu  oo waxaa laban lab badan Ninka Ajaniga ah inakstoo ay isku shaqo qabanayaan,