Safiirka Somaliland U Fadhiya Jabuuti Gaadhi Buu Dalka Kala Baxsadey , Mana Geyo Xil Loo Magacaabo ..” Xisbiga UCID + [ Muuqaal

0

Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa waxaa uu sheegay in Safiirka Lacagta ugu badan Ay Dawlada Somaliland Siiso Safiirka u Fadhiya Dalka Jabuuti kaas oo aan la garaneen waxuu qaranka u qabto isla markaana mushahar ahaan loo siiyo 2600 kun oo Dollar .

Sidoo kale Md Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa sheegay in Safiirka Somaliland Jabuuti u fadhiya uu la baxsadey gaadhigii uu lahaa badhasaabka gobalka Hawd isla markaana uu Jabuuti la galay , taas oo uu nasiib daro ku tilmaamay in kaas oo kale xil loo magacaabo marka hore ba