gudoomiyaha xuquuqul insaanka somaliland oo isha ku haya wax ka bdedelka xeerka booliiska somaliland oo la horkeenayo golaha sharci dejinta iyo qodabo uu sheegay in aay muhiim u yihiin bulshada

0

Gudoomiyaha xarunta xuquuqal Iinsaanka somaliland Guuleed Axmed Jaamac ayaa soo bandhigay qodobo wax ka badal lagu sameeyey oo ku jira xeerka Booliska oo maanta mar kale la hor keenay golaha wakiilada somaliland.

Gudoomiye Guleed Axmed Jaamac waxa uu sheegay in xeerkan loo ansixiyey balse aan la dhaqan galin, waxaanu qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook ku yidhi “Madaxwaynuhu hadii uu dhegaystay dad tiro yar oo aan dan shacab wadin, waxa muhiim ah inuu ogaado in aduunku dharaaro tirsan yahay oo war uun ka hadho. Taariikhduna dhacdooyin is qora weeye. Qof waliba wuxuu gashado ayay u qortaa.

Maanta waxa Golaha Wakiilada la horkeenay wax ka bedel lagu sameeyey xeerkii booliiska ee dhowaan uun madaxwaynuhu saxeexay. Wax ka bedelku nuxur ahaan wuxuu meesha ka saaray sadex arimood oo xeerka ku jira: 1. gudi madax banaan oo looga cawdo booliiska. 2. maxkamadaha caadiga ah in looga caban karo booliiska. 3. inaan xabad nool loo isticmaali karin dad shacab ah.

Waxa intaas dheer in tan iyo markii la ansixiyay oo ahayd December 2017 aan la dhaqangelin xeerka.

Dharaaruhu way is bedelayaan,  In shacabka loo naxariisto iyo in la abuuro hay’ado dadka u adeegga waxa ku jirta danta iyo sii raagista Somaliland.

Hadii la diidayna, Allaahuma balaqtu.