Waligaa ma maqashay geesiyaal Soomaaliyeed ee ka qayb galay dagaalkii 1aad ee dunida

0

Xili toddobaadkan la xusayay 100 sano guuradii ka soo wareegtay dagaalkii koowaad ee adduunka ayaa waxaa xaflad lagu xusayo arrintaasi lagu qabtay waqooyiga magaalada London.

Waxaa xafladani soo abaabulay ururka saafi oo ah jaaliyad ay Soomaalida leeyihiin, islamarkaana waxaa si gaar ah loogu eegayay dadkii Soomaalida ahaa ee dagalkaasi kowaad ee aduunka ka soo qayb qaatay.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay sawirro ka hadlaya dagaalkii kowaad ee aduuunka iyo doorkii ay Soomaalida ku lahaayeen.

Wariyaha BBC Cabdi Xaafid Cawil Ismaaciil ayaa ka qayb galay xafladdaasi waxa uuna halkaa kula kulmay qaban qaabiyaha munaasabadan Rooda Maxamed, isagoo weydiiyey waxyaabaha ay halkan ku soo bandhigeen”Sawirrada halkan lagu soo bandhigay ayaa ah saddex qeybood oo ka mid ah carwada, mid waa sawirro laga qaaday shaqsiyaad, sawiirada halkan yaalla waxaa ka mid ah kuwa la qaaday 1926dii, waana ciidan Soomaaliyeed oo ka qayb galay dagaalkii 1aad”

Ciidamada Soomaalida ee ka qaybgalay dagaalkii kowaad ayaan ahayn kuwa kilaye ee aan ka dagaalamin gudaha Soomaaliya balse waxaa loo qaadi jiray dalal kale.Falis ayaa sawirada munaasabaddan lagu soo bandhigay u sharaxday dadkii xafladdan xuska ah ka soo qayb galay waxa ayna sheegtay in baaritanno badan ka dib sawiradan loogu deeqay jaamacad wax ka diyaarisa dhanka taariikhda.

Dadkii ka soo qayb galay xafaladda waxaa ka mid ah Cabdiqaadir Maxamed Axmad, oo uu awowgii ka qayb galay dagaalkii koowad ee dunida, isagoo ka waramaya waxyaabihii uu ka xasuusto awowgii ayaa waxa uu yiri “Wuxuu iiga sheekeeyey wuxuu ka mid ahaa ciidamadii Ingiriiska markaana loo qaaday Jabuuti, ka dibna waxa uu ka qayb galay ciidamada ay Jarmalka ka abaabuleen Bariga Afrika oo ka dagaalamay Mozambique iyo Tanzania, waxa uu sidoo kale ii sheegay inay tageen halkaa iyo Cadan kaddibna Ciraaq loo gudbiyey”

Munaasabadda ugu wayn ee xuska dagaalkii Koowaad ee adduunka waxaa lagu qabtay Yurub gaar ahaan degmada Arc de Triomphe oo ku taalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska, waxaana ka qeyb galaya hoggaamiyeyaal ay kamid yihiin madaxweynaha Mareykanka Trump iyo dhiggiisa Ruushka Putin.

Dalka Britain, waxaa lagu qabtay munaasabado gaar ah oo lagu xusayo dagaalkii Koowaad ee dhacay intii u dhexeeysay sannadihii 1914-kii iyo 1918-kii.Markii ugu horreysay, dadweynaha qaar ayaa loo ogolaaday inay tagaan xarunta ay ka socota munaasabadda Whitehall ee bartamaha magaalada London.

Halka caasimadda dalka New Zealand ee Wellington lagu qabtay bandhig xabado rid ah.

Dalka Hindiya, xus ayaa loo sameeyay 74,000 oo oo askari, kuwaasoo ahaa cidankii Hindiya uga dhintay dagaalkii Koowaad ee Adduunka,