Magacayga waxaan u Bedelay Sababo Adag xataa Xijaabkii ayan Tuuray, gabadh Soomaali ah

0

Sebtember waxay ahayd arrin aan sahlanayn adigoo waliba lagu yiraahdo magaca Ubax Maxamed.

“Tijaabo ahaan, Ayaan u baddalay magacaygii isla markiina waxaan helay shaqo ah caawiye soo saare” ayay tiri Ubax Maxamed oo markii dambe ku caan baxday mid kamid ah magacyada ay reer galbeedku la baxaan.

” Waxaan todobaad kasta la bixi jiray magac cusub, waxayna ahayd arrin cabsideeda leh” ayay tidhi ayadoo ku sugan California.

Qoyskeedu waxay u guureen Memphis ayagoo kasoo guuray New York markii ay jirtay 13 sano, ayadoo markii ay ogaatay in ay kasoo jeeddo Soomaaliya ay caqabad hor leh ku noqotay.

‘ Waxaan iska tuuray xijaabkii’

” Wadaad miyaad tahay” ayay I waydiin jireen sanadkaygii koowaad ee aan bilaabay Iskuul kuyaal Memphis markaas oo aan xijaab xiran jiray.

” Wixii ka dambeeyey sanadkaas waxaan iska dhigay xijaabkii waxaana badallay magacaygii”

Balse magac baddalashadaas waxay ahayd wax la soo dhaafay, haatan ayadoo Soomaali- American ah ayay si xarrago leh loogu yeeraa magaceedii saxda ahaa waxayna ka shaqaysaa sharikadda filimada ee Hollywood.

Booqashadeedii soomaaliya kadib, Ubax Maxamed waxay tiri waan bogaadinayaa in Hooyaday ay Maraykanka i keento.

 

Waxay qortay bandhigyada sida Whispers iyo Arrow iminkana waa shaqaale katirsan CW Television Network, oo gacanta ku haya filimka taxanaha ah ee Legends of Tomorrow.

Xariifnimadeeda, iskastoo shaqooyin badan loo diiday, haddana heerka ay maanta joogto waxay ku gaartay in ay noqotay qof aan ku dhagganayn dhaqankeeda oo kaliya.

Iminka waxay ku nooshahay, Los Angeles, Ubax waxay u wayn tahay saddex caruur ah oo walaalaheed ah.

Hooyadeed Caasha Cabdullaahi iyo saalax Maxamed,oo isku bartay iskuna guursaday soomaaliya, ayaa usoo guuray Maraykanka si ay halkaas u dagaan waxna uga bartaan.

Booqashadeedii dhulkii waalidkeed ay kasoo jeedeen, sanadkii 2000, Ubax waxay safar ku tagtay magaalada Waqooyiga kutaal ee Ceerigaabo, halkaas oo ay kusoo aragtay qabriyo hore oo caan ah.