wargeyska Daily Naition. kenya oo qoray nin dhalinyaro ah oo muusigayste ahaa oo gabdho imtixaan laga qaadayay la galay

0

Wiil hibo u leh muusigga oo isaga oo gabadh iska dhigaya ku baasay imtixaan lagu qaadayay duqgsi sare oo Kenya ku yaalla ayaa la xiray, sida ay ku warramayso warbaahinta Kenya.

Wuxuu xirtay yunifoomka gabdhaha wuxuuna soo jiitay dareenka ardayda markii uu muusigga garaacayay, isaga oo si dhammaantood ka duwan u garaacay, sida uu qoray wargeyska Daily Naition.

Wiilka arrintan ku lugta lahaan magaciisa lama shaacinin.

Arintani waxay ka dhacday dugsiga sare ee gabdhaha ee Makuyu oo ku yaalla deegaanka Kakamega oo galbeedka Kenya dhacda.

Muusikiistahan ayaa arday ka ahaa deegaanka ay dariska yihiin Uasin Gishu

Maamulihii iskuulka gabdhaha iyo macalinkii muusiga ayaa lala xiray wiilka.