Diyaarad sidday 189 qof oo ku dhacday badda Indonesia

0

Diyaarad ay leedahay shirkadda Lion Air, oo ay sarnaayeen 189 qof oo rakaab iyo shaqaale ah ayaa ku dhacday badda, waxyar un kadib markii ay ka kacday magaalada Jakarta, sida ay sheegtay hay’adda musiibooyinka dalka Indonesia.

Dhammaan dadkii diyaaradda saarnaa ayaa la rumeysan yahay inaysan cidna ka bad-baadin, sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters, oo soo xiganeysa qaar ka mid ah saraakiisha Indonesia.

Afhayeen u hadlay hay’adda Sutopo Purwo Nugroho ayaa barta twitter-ka soo dhigay burburka diyaaradda iyo qaar ka mid ah waxyaabihii ay siteen dadkii saarnaa, sida taleefonno, buugaag iyo boorsooyin.

Nugroho ayaa sheegay 189-ka qof ee saarnaa diyaarada ay 181 ka mid ah ahaayeen rakaab ay ku ku jiraan saddex caruur ah, halka sideed kale ay ahaayeen shaqaalaha diyaaradda.

Diyaaradda oo kacday 6:20 am ayaa kusii jeedday caasimadda gobolka Bangka-Belitung.