War Degdeg ah: Akhriso Wareegto Uu Goor Dhaweyd Soo Saaray Madaxweyne Biixi

0

 

Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Taariikh: 24/10/2018

WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/WM/222-224/102018, ku asteeyey In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

 

Markaan Arkay:               Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Tixgeliyey:        Go’aanka Shirkii Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland, Shir Lr. 23aad ee 18/10/2018;

 

Markaan Dersay:             Ahmiyadda ay Qaranka u Leedahay Xuska Maalinta Geesiyaashii naftooda u soo huray halgammadii kala duwanaa ee xornimada dalka, sida halgankii Daraawiishta, Kacdoonkii Culimada, Aqoonyahanka, Suugaan-yahanka

iyo Halgankii Hubaysnaa ee SNM;

 

Waxaan go’aamiyey;

 

In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.