Deg Deg war, Madaxwaynaha Turkiga oo Xildhibaanada Xsibigiisa la hadlaya ayaa daboolanka qaaday in maalmo kahor la qorsheeyay dilka wariye khashoqji

0

Dilka saxafi Jamal Khashoqji waxaa la sii diyaariyay maalmo ka hor, sida uu sheegay madaxweynaha Turkiga oo la hadlaya xildhibaannada xisbigiisa talada haya.

Rajab Dayib Erdogan ayaa sheegay in Turkigu ay arruuriyeen caddaymo xoog badan oo sheegaya in saxafiga Sacuudiga dhaliili jiray loo dilay qaab la sii qorsheeyay.

Wuxuu sheegay in labadii bishii Oktoobar lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Wuxuu dalbaday in dadka la hayo lagu maxkamadeeyo magaalada Istanbul.

Waxaa kale oo uu dalbaday in Sacuudigu uu sheego meesha uu ku dambeeyay maydkii wariye Jamal iyo cidda amartay hawlgalkaas.

Erdogan ayaa xaqiijiyay in Sacuudigu uu xiray 18 ruux oo kiiska dilka lala xiriiriyay. Sikastaba ha ahaa ma uusan shaacinin faahfhinta cadaymaha ay aruuriyeen ee dilka ku saabsan.

Ma uusan soo hadal qaadin wax cod ah ama muuqaal ah oo la xiriira dilka saxafiga, arrintaas oo saxaafaddu ay hadal haysay.

Erdogan wuxuu sheegay in 15 ruux oo Sacuudi ah oo saddex koox isu kala qaybiyay ay Istanbul ka dageen iyaga oo duulimaadyo kala duwan adeegsanaya, kuwaas oo magaaladaas tagay maalmihii iyo saacadihii ka horreeyay dilka.