Xukuumadda Ethiopia Oo Sii Daysay Maxaabiistii Ugu Badnayd

0

Dawladda Ethiopia ayaa ooda ka soo qaaday Maxaabiis ay tiradooda guud dhamayd 1200 oo qof kuwaas oo lagu xidhxidhay Magaaladda Addis Ababa, ka dib markii ay halkaasi ka dhigeen rabshado.
Rabshadahan oo ka dhacay Magaaladda Addis Ababa ee Caasimada u ah dalka Ethiopia ayaa waxa ay salka ku hayeen iska hor imaadyo u dhaxeeyay qoomiyadaha Amxaaradda iyo Oromada, kuwaas oo kala taageersanaa labada urur
ee Ginbot 7 iyo OLF.
Taliyaha Ciidamada Booliska Dalka Ethiopia Jemal Zeinu, ayaa sheegay in maxaabiista la qabqabtay ay dhamayd 1,204, hasayeeshee  83 ka mid ah la hor keenay maxakamad kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay danbiyo waaweyn geysteen.
Zeinu, oo waraysi siiyay Fana Broadcasting Corporate, ayaa shaaca ka qaaday in maxaabiistan oo uddo bil ah xabsi ku jiray la siiyay casharo ku saabsan sidii ay nabad galyadda u ilaalin lahaayeen ilsa markaana uga dheeraan lahaayeen fal danbiyeedyada kala duwan.
halka dhalinyaro kale oo ka mid ah kuwa xabsiga laga soo daayay oo aan iyagu camal haysanin ama aan shaqooyin qabanina loo balan qaaday in loo samayn doono ganacsiyo kala duwan oo ay ku maareeyaan noloshooda,