Xog Xasaasiya: C/weli Gaas oo arrin halis ah kula dul-kufay Isimada Beelaha Dhulbahante

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa lagu soo warramayaa in uu isimada beesha Dhulbahante ku cadaadinayo in ay hor-istaagaan doorasho ka dhacda Puntland.

Gaas oo markii hore ay ka go’neyd in uu muddo kororsi sameeyo ayaa u arkay fursad in odeyaasha Dhulbahante is hortagaan doorashada iyada oo aan la qabsan magaalada Laascaanood.

Sida ilo xog-ogaal ah ay u xaqiijiyeen Warbaahinta, shir ay ka soo qeyb galeen Isimada, C/weli Gaas iyo ku xigeenkiisa Camey ayaa Isniintii lagu qabtay madaxtooyada Garoowe halkaas oo odeyaasha lagu cadaadiyey in ay warbaahinta ka sheegaan in aan doorasho la qaban doonin ilaa la qabto Laascaanood.

Hase ahaatee, sida xoogohu tibaaxeen isimada Dhulbahante wey ku gacan saydheen soo jeedintii Gaas iyo Camey iyaga oo u sheegay in go’aankaas halis galin karo amniga Puntland.

Gaas oo hore u abaabulay dagaalka Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray jiidda hore ee Laascaanood ayaa uga dan lahaa sidii uu ugu carqaladeyn lahaa doorashada la filayo in ay dhacdo horraanta sanadka dambe.

Musharaxiinta Xilka madaxweynenimo ee Puntland ayaa horey uga digay isku dayo dhowr ah oo Gaas uu wado, si uu xilka waqti dheeri ah ugu darsado.