Wasiirrada arrimaha dibadda ee Itoobiya iyo Eritrea oo Muqdisho ka dagay

0

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa ka dagay magaalada Muqdisho.

Waxaana loo arkaa dadaal lagu sii xoojinayo, heshiisyadii nabadeed ee dhawaan dhex maray dalalka geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay dhigiisa dalka Itoobiya iyo midka dalka dalka Eritrea.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay.

Waxaana la xiray wadooyin halbawle u ah magaalada, sida ay wararku sheegayaan.