Ahmed Shide oo loo magacaabay wasiirka maaliyadda Ethiopia

0

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta u magacaabay Ahmed Shide inuu noqdo wasiirka maaliyadda dalkaas, isaga oo beddeli doona Abraham Tekeste.

Ahmed Shide oo Soomaali ah ayaa horey u ahaa wasiirka xafiiska arrimaha isgaarsiinta dowladda, ka hor inta aan xilkan loo magacaabin.

Abiy Ahmed oo xilka qabtay bishii April kadib markii sanado deganaansho la’aan siyaasadeed ah ay ku qasbeen ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn inuu is-casilo, ayaa dib u habeyn ku sameeyey golaha wasiirada si uu uga dhigo mid loo dhan yahay.

Waxa uu sidoo kale yareeyey tiradii wasiirada oo uu ka dhigay 20, halka markii hore ay ka ahaayeen 28, ayada oo 50% ay yihiin haween, sida warbaahinta dowladda ay shaacisay.

Waxa uu sidoo kale abuuray wasaarad cusub oo ah “waasaradda nabadda” kadib bilo ay jireen iskudhacyo qowmiyeed, waxaana wasiir looga dhigay Muferiat Kemal, oo horey u ahayd afhayeenka baarlamanka.

Dr Workneh Gebeyehu ayaa sii hayn doona xilka wasiirka arrimahha dibedda, oo uu horey u hayey.