Saraakiil Booliisa oo ku dhaawacantay rabshad ka dhacday berbera

0

Berbera  Labo sarkaal oo ka Tirsan Booliiska Degmada Berbera iyo sadex  askari  ayaa dhaawacyo kala duwan kazoo gaadheen markii rag iyo haween wada  socday shiid ku bilaabeen  markii danbena gacanta ula tageen  goob dhisme ka socday oo ku taala badhatamaha magaalada berbera,

Sarkaalak Hawlgalinta  Booliiska  Gobolka saaxail Aamin  waxa soo gadhay Dhaawac Madaxa ah halka taliye ku xigeenkii saldhiga dhexe ee berbera cabdi muuse   sanka iyo afka  dhagax kaga dhacay, sadexda askari aya la sheegay mid kamida in uu gacanta ka jabay sidaanu xogta ku helnay mid kamida ahina  lugaha wax ka qabo halka askariga sadexaad  dhaawac afka ah qabo  iyo budhadh la sheegay in lagu garaacay

IDhacdadan ayaa waxay ka danbaysay kadib markii goobta dhismihu ka socday aay bur buriyeen dadkasoo horjeeday in goobtaa la dhiso

goobtan dhismuhu ka socday ayaa waxaa dhisanayay  oo dhul ahaan iska  lahaa maxkamdaha somaliland dhawaana ayaana laga raray dadkii deganaa, illaa iminka  mashaqadan waxaa loo xidhay labo nin oo booliisku ku tilmaameen ragii gaystay dhaawaca,

Dhacdadan oo galabta dhacday ayaa shabakada HWN isku dayday in aay la wax ka waydiiso  taliayaha qaynbta booliiska gobolka saaxil iyo badhasaabka saaxil laakiin noomay suura galin in aanu helno,