DawladaCanada ayaa shaacisay qadarka lacag ay ugu deeqday somaliland iyo mashaariicda loogu tala galay.

0

DawladaCanada ayaa shaacisay qadarka lacag ay ugu deeqday somaliland iyo mashaariicda loogu tala galay.

Lacagtan ayey dawlada Canada ugu tala gashay in mashaariic la xidhiidha wax soo saarka beeraha, nafaqaynta caruurta iyo nafaqaynta caruurta iyada oo lagu maal galinayo gobolada Togdheer iyo Daadmadheedh, iyada oo ay fulin doonaan hay’addaha Unicef, WFP Iyo FOA.

Munaasibad lagu shaacinayey lacagtan iyo mashaariicda lagaga fulinayo gobolada Togdheer iyo Daadmadheedh oo lagu qabtay Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirada qorshaynta, deegaanka, xanaanada xoolaha,masuuliyiin ka socday dalka Canada iyo xubnaha ugu sareeya hay’addaha fulinaya mashaariicda lagu maal galinayoacagtaasi.

Wasiirka qorshaynta qaranka iyo horu marinta Cawaale Ibraahin Shirwac ayaa faah faahiyey mashaariicda lagu fulinayo lacagta ay dawlada Canada ugu deeqday somaliland waxaanu yidhi “Mashruucani waa mid weyn oo soconaya shan sanadood kaas oo ku kici doona lacag gaadhaysa 10milyan oo doolar,lacagtaasna waxa noogu deeqday dawlada Canada, waxaana fulinaya hay’addaha WFP iyo FAO.”

Wasiirka qorshaynta oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay faa,iidada uu mashruucani u leeyahay somaliland waxaanu yidhi “Mashruucani waxa uu caawin doonaa dad ku dhaw 270 oo qoys, waxa kale oo uu taageeri doonaa dad gaadhaya 16200 oo qof, mashruucani waxa uu ka mid yahay mashaariicda aanu dawlad ahaan rabno inay dalka ku soo kordhaan, wada hadalkiisuna wakhti badan ayuu socday, sanadkan bilawgiisa ayaanay ahayd markii ay wasaarada qorshayntu heshiiska la saxeexatay hay’addaha fulinaya.”

Wasiirka deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ka hadashay munaasibadan ayaa dhinaceeda ka warantay mashruucan waxaanay tidhi “Mashruucani sanadkii hore ayuu yimid markii la daah furayeyna waan la joogay, in dib loo furo mashruucan oo laga wada hadlo oo laysla fahmo ayaa laysla gartay, anaguna wasaarad ahaan qayb ayaanu ka soo galnaa waa khayraadka dabiiciga ah.”

Marcus Davies oo ka socday dawlada Canada oo ka hadlay munaasibadan ka hadlay ayaa soo bandhigay faa,iidooyinka ay rajaynayaan in bulshada gobolada Togdheer iyo Daadmadheedh ay ka helaan mashaariicda ay maal galinayso dawladiisu, waxaanu si gaar ah uga hadlay dhibaatooyinka dabiiciga ah ee haatan aduunka ka dhacaya iyo sida loogu baahan yahay in la iskaashi laga wada yeesho, waxaanu xusay in mashaariicdan ay maal galinayaan ay ugu tala galeen in dadka laga caawiyo sugnaanshiyaha cuntada iyo nafaqaynta caruurta.

Sidoo kale madaxa hay’adda FAO Sergio Innocente iyo madaxa hay’adda WFP Emmanuel Beginimana oo iyaguna ka hadlay munaasibadan ayaa si weyn ugu dheeraaday faa,iidada ay keeni doonaan mashaariicdan ay hay’addahoodu fulinayaan ee ay maal galinayso dawlada Canada.

Gudoomiyeyaasha gobolada Togdheer iyo Daadmadheedh oo iyaguna ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey mashaariicdan laga hir gelinayo gobolada ay masuulka ka yihiin, waxaanay xuseen inay garab istaagayaan hay’addaha fulinaya mashaariicdan.