Belgium-ka ayaa laga doortay qofkii ugu horeeyay oo madow ah oo kaasi oo noqda duq magaalo- waa aabaha dhalay laacibka kooxda Manchester City uga dheela daafaca ee Vincent Kompany.

0

Pierre Kompany ayaa helay codadka ugu badan doorashada deegaanka Ganshoren ee magaalada Brussels, taas oo u horseedday in uu qaato jagadaasi meeyarnimda.

Mr Kompany ayaa dalka Belgium-ka ku tagay qaxootimo 1975-tii, waxa uun ka soo haajiray dalka dimuqraadiyadda Kongo.

Waxa uu saaxada siyaasadda ku soo biiray sanadkii 2006-dii isagoo noqday gudoomiye xaafadeed, sanadkii 2014-kiina waxaa uu baarlamaan goboleedka magaalada Brussels ka helay kursi.

Balse waxa aad loogu sii bartay wiilashiisa caanka ah, oo Vincent Kompany waxa uu kabtan u yahay kooxda Manchester City waxaa uu sidoo kale si joogta ugu saftaa kooxda qaranka ee Belgium.

Francois oo ah Vincent walaalkii, waxa isagana u dheelaa naadiga KSV Roeselare oo ka dhisan dalkaasi Belgium.

Labadiisa wiil ayaa durbadiiba aaladda Instagram uga hambalyeeyay guushiisa, taas oo ay 1.6 milyan oo qof ay dadka kale la sii wadaageen.

“Waa taariikh! Aad aayan kuugu faraxsanahay aabo,” ayuu soo qoray.

“Waa qofkii ugu horeeyay oo madow ah oo Belgium-ka ka noqda duq magaalo taasina horay uma aysan dhicin, waa xusuus, hambalyo aabe!” ayuu yiri Vincen