magalada baydhabo ee soomaaliya oo labo qarx ka dhaceen gaysteena dhimasho iyo dhaawac

0

In ka badan 10 qof ayaa ku dhimatay laba qarax oo xiriir ahaa oo ay magaalada Baydhaba ka gaysteen laba qof oo isku soo xiray walxaha qarxa oo galabta abaare 5:30 waqtiga Bariga Afrika isku qarxiyay laba meheradood oo ku yaal bartamaha magaaladaasi.

Sida uu BBC-da u sheegay Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, in ka badan 20 qof oo kale ayaa weerraradaasi ku dhaawacantay.

Dadka ismiidaamiyay ayaa waxa ay si goonni goonni ah isugu kala qarxiyeen hoteel Bilan iyo maqaaxida Badar, oo ku wadayaal wadada marta bartamaha magaalada Baydhaba.

Goobjoogaal ay BBC-du la xiriirtay ayaa sheegaya in dadka dhaawacmay lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaalada Baydhaba halkaas oo kooxaha gurmadka degdega ah ay dadkaasi la tacaalayaan.

Weerrarka waxaa sheegatay xarakada Al-Shabaab, taas oo sheegtay inay bartilmaameesanaysay goobo ay isugu yimaadaan saraakiisha iyo xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidammada ammaanka ayaa waxa ay xireen wadada marta bartamaha magaalada halkaas oo ay ku yaallaan goobaha ganacsi ee qaraxyadan lagu bartilmaameedsaday.

Magaalada Baydhaba ayaa maalmahanba waxaa ka soconayay ololaha doorashooyinka madaxtinimada ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado inay qabsoomaan 17-ka bisha Nofeembar ee soo aaddan.