Turkiga oo soo bandhigay cadymo in suxifi jamal kashoogi lagu dhex jar jaray gudaha qunsiliyada sucuudiga ee Ankara

0

Wargeyska Washington Post ayaa qoray in saraakiisha Mareykanka ay ku wargelisay dowladda Turkiga in Ankara ay hayso cod iyo muuqaal caddeynaya in suxufiga Sacuudiga ee Jamal Khashoggi lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Codka iyo muuqaalka ayaa muujinaya in Khashoggi lagu xiray qunsuliyadda labadii October kadib markii uu galay, la jir dilay kadibna la dilay oo jirkiisa la jarjaray, sida ay saraakiil Mareykan iyo Turkish ah u sheegeen wargeyska.

Saraakiishan oo aan la magacaabin ayaa sheegay in codka la hayo uu muujinayo caddeymo aad looga naxo oo ku saabsan xaaladda Khashoggi, sida Washington Post ay tiri.

Warbixinta waxa ay sheegtay inaysan caddeyn haddii saraakiisha Mareykanka ay arkeen ama maqleen muqaalka iyo codka, hase yeeshee saraakiisha Turkiga ayaa kuwa Mareykanka la wadaagay inay hayaan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khamiistii sheegay in baarayaal Mareykan ah ay joogaan Turkiga, ayaga oo isku dayaya inay go’aan ka gaaraan waxa ku dhacay Khashoggi.