Intii ay jirtay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Waxa ku soo noqnoqday Khilaafaadka u dhaxeeya Masuuliyiinta Uu U Magacaabay Xilalka Kala Duwan.
Khilaafaadkan oo badhkood ay ku waayeen xilalkoodii ayaa waxa uu mar kale ka dhex qarxay Wasiirka Horumarinta Jidadka iyo Maareeyaha Hayโadda Waddooyinka.
Maareeyaha Hayโadda Wadooyinka ayaa soo saaray wareegtooyin uu isku shaandhayn ugu sameeyay Aggaasime Waaxeedyadda Hayโaddaasi, kuwaas oo badhkood dhawr iyo toban sano ay xilalkaasi hayeen isla markaana ay soo galeen Raadad maamul xumo iyo musuqmaasuq ahi.
Talaabadan uu Maareeyuhu isku shaandhaynta ugu sameeyay Agaasime Waaxeedyadiisa ayaa waxa ay si weyn uga cadhaysiisay Wasiirka Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor oo soo saaray Qoraal dheer oo ay ka muuqato cadho iyo awood sheegasho.
Marka hore ila eeg Wareegtada Isku shaandhayntaah ee uu soo saaray Maareeyaha Hayโadda Wadooyinka Somaliland.
Markii Uu Madaxweynuhu soo saaray Magacaabista Xukuumadiisa waxa la isu raray oo la is hoos geeyay hayโaddo Dawladeed, waxaana laga soo dabo saaray Xeer Nidaamiye.
Hadaba Xeer Nidaamiyahan ayaa awood u siinaya Maareeyaha Hayโadda Wadooyinka in uu sameyn karo isku shaandhayn, magacaabis iyo xil ka qaadis, waxaana uu u dhigan yahay sidan
Qodobka 79aad sidan buu u dhigan yahay
Xilka iyo Waajibaadka Maareeyayaasha
2. Maareeyuhu wuxuu leeyahay ansixinta, magacaabista saraakiisha wakaaladda kadib
markauu helo goโaanka gudida qiimaynta iyo anshax-marinta si waafaqsan Xeerka
shaqaalahaXukuumadda. (Gudida anshax marintu waa gudi Hayโad kasta oo dawladeed leedahay waxaana gudoomiye u ah Maareeyaha ).
Wasiir Cabdilaahi Abokor Cismaan oo dabo socda Isku shaandhaynta Maareeyaha Hayโadda Waddooyinka ayaa soo saaray War saxaafadeed digniin ah isla markaana uu ku muujinayo awoodiisa.
Warsaxaafadeedkaas oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaaย u dhignaa sidan.
Si kastaba ha ahaatee waxa aad looga war sugayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo si dhaw ula socdo khilaafka labada Masuul talaabada uu ka qaadan doono.