Ninkaygu habeenba nafis ma arkin, sidii loo rafaadinayay ee qawda loogu hayay ee loo xidhayay ayuu markii dambe rafaadkii ku dhintayโ ayay tidhi Cambaro oo dib u milicsanaysa wixii soo maray qoyskeeda.
โSilic buu adduunka ku dhamaystay dalkana waa laga wada ogyahayโ ayay intaas ku dartay.
Sidoo kale Cambaro ayaa sheegtay in xataa laba gabdhood oo yaryar oo ay dhashay saqdhexe gaadhi lagu qaaday oo xero milatari lagu xidhay, balse qof ayna magaciisa sheegin oo maamulka ka mid ah uu sii daayay.
โAbaalkiisa anoon gudin in aan dhinto ayaan ka yaabi sharaf iyo cisi Allaha siiyeeโ ayay tidhi.
Iyada oo waraysi gaar ah siinaysa BBC ayaa Cambaro la waydiiyay waxa ay soo kordhisay wakhtigaas dheer ee ay ku hawlanayd arrimaha jabhadda ONLF.
โMagac iyo aqoonsi aan waddan kani lahayn ayaan soo kordhinayโ calanka ONLF-na shanta qaaradood ayuu ka babbanayaa.โ
Halkan hoose ka dhagayso Waraysi lala yeeshay