Golaha Wasiirada Itoobiya Oo La Dhimayo Iyo Tirada Laga Saarayo Oo La Shaaciyey

0

Golaha wasiirada ee dawlada federaalka ah ee dalka Itoobiay ayaa dib u eegis lagu samaynayaa.

Fadhigii ugu dambeeyey ee ay yeesheen golaha wasiirada ee Itoobiya ayaa lagu ansixiyey xeer sahlaya in dib u eegis lagu sameeyo qaab dhismeedka golaha wasiirada kaas oo loo gudbiyey baarlamaanka.

Madaxa xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya Fitsum Arega ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka waxa uu ku  sheegay in golaha wasiirada ee dalka Itoobiya oo tiradoodu ahayd 28 hada uu xeerkan cusubi ku soo koobayo 20 wasiir oo lagu soo xulayo mudnaanta ay u leeyihiin dalka.

Dhinaca kale raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wali

ku hawlan dib u habaynta balaadhan ee uu ku waddo siyaasada dalkiisa, isaga oo wajahaya caqabado kaga imanaya dadka ka soo horjeeda talaabooyinkiisa.