Waa kuma Khabib Nurmagomedov – ninkii garaacay Conor McGregor

0

Wuxuu ahaa bandhig la isku bowdya-qaawinayey oo xeel dagaalna la isugu awood sheeganayey, laakinse guusha Khabib Nurmagomedov uu ka gaaray Conor McGregor, dagaalkii ay isaga hor yimaadeen Las Vegas, ayaa iska beddelay habeen cayaareed oo cajiib ah, isagoo isku beddelay mid ka mid ah dhacdooyinka ugu muranka badan taariikhda UFC.

Ilbiriqsiyo ka dib markii uu wareeggii afaraad ku dhamaaday isdhiibid, ayuu cayaartoyga Ruushka ah shabaqa ka soo baxay, wuxuuna toos u abaaray taageerayaasha cayaartoyga Irishka ah, taasoo dhalisay xurguf weyn in halkaa ay ka aloosanto.

McGregor qudhiisa wuxuu ku lug lahaa rabshad dhex martay kooxda ka soo hor jeedday.

Ayadoo haddaba ay maamulayaashu baarayaan hab-dhaqanka Nurmagomedov, ayaa misna dhanka kale, mustaqbalkiisa cayaaraha dagaalka aan waba la isu reeban – Lug iyo gacan – wuxuu yahay mid aan hubaal ahayn.

Laakinse sidee buu ku gaaray heerkan ah inuu aka mid noqdo ragga magaca weyn ku leh cayaaraha dagaalka?

Nurmagomedov waa awood aan la loodin karin.

Marka lagu daro guusha uu ka gaaray McGregor, wuxuu galay 27 dagaal muddo 10 sano ah oo uu cayaartan ku jiray, dhamaantoodna wuu ku guulaystay.

Waa wakhtigii ugu dheeraa ee qof uu guul ku naaloodo taariikhda cayaaraha MMA.

Si uu heerkaas u gaaro waxaa ka horreeyey marxalado uu soo maray.

Ma aha qofkii ugu horreeyey ee Ruush ah ee ku guulaysta UFC, laakin sidoo kale waa qofkii ugu horreeyey ee muslim ah ee guushaas gaara.

1988 ayuu ku dhashay Dagestan oo ku taalla gobolka waqooyiga kawkasaska ee Ruushka, wuxuuna asal ahaan ka soo jeedaa qowmiyadda Avar.

Aabihiis Abdulmanap waa ruug caddaa magac ku leh milateriga oo baray legdenka – waana cayaar aad looga cayaaro gobolkaas Ruushka ku yaalla – wixii ka dambeeya marka ay ilmuhu gaaraan da’da 8aad.

Abdulmanap wuxuu dabaqa hoose ee dhismaha uu degganaa ee magaalada Kirovaul uu ka dhigay meel jir dhiska lagu sameeyo (Gym), halkaasoo Nurmagomedov uu ka billaabay inuu si dhab ah u barto xirfadda dagaalka.

taasi waxay ahayd billowgii hawl wakhti dheer qaadatay oo Abdulmanap uu ku hormariyey rag sida loo dagaallamo bartay.

Laakin wiilkiisu wuxuu muujiyey inuu yahay ninka ugu guusha badan, uguna heerka sarreeya UFC.

aabihiis kama uusan baran legdan oo qura ee wuxuu ka bartay Judo iyo Sambo, oo ah xirfad dagaal oo asal ahan laga soo min guuriyey milateriga Ruushka 1920 meeyadii.

Sambo waa kalmado la soo gaabiyey oo ka yimid SAMozashchita Bez Oruzhiya, oo micnaheedu yahay is difaacid hub la’aan ah.

Bishii Maajo, wuxuu garaacay Abel Trujillo, isagoo markaa dhigayey rikoorka cusub ee UFC ee muddada ugu dhakhsiyaha badan ee qof cayaar looga saaro. 21 goor ayuu ku guulaystay 27kii goor ee uu cayaaray.

Ka dib, bishii Siteembar wuxuu garaacay Pat Healy oo Maraykan u dhashay, ayadoo guusha lagu siiyey ga’aan ay garsoorayaasha oo dhan isku raaceen. Dana white oo ah guddoomiyaha UFC ayaa laga hayaa “wiilkan waa mid xiiso leh. waxyaabo badan ayaan filayaa in aan wada samayn doonno wiilkan”.

Sidaasoo ay tahay, Nurmagomedov wuxuu sii waday inuu cayaaro, si aan toos ahayn, dhaawacyo is xigxigay ayaa la soo dersay, kuwaasoo baajiyey dhowrsanadood oo uu cayaari lahaa, niyad jabna ku beeray.

Laakin wuxuu mar kale dib u soo noqday Abriil, 2018.

Waxay ahayd inay iska hor yimaadaan Tony Ferguson – cayaar markii afaraad dhex mari lahayd labadooda, taasoo markii dambe la baajiyey. dhibaatadu markan waxay ka timid Ferguson oo jilibka ka dhaawacmay. Beddelkiisii waxaa cayaaray Max Holloway.

Holloway qudhiisana waxaa lagu tilmaamay inuusamn jir ahaan diyaarsanayn, wuxuuna miisaankiisa dhimay oo uu gaarsiiyey heer uusan ku bedqabin. Isna waxaa lagu beddelay Al Iaquinta, waxaase uu noqday mid aan la barbar dhigi karin Nurmagomedov, bacdamaa uu aad uga miisaan cuslaa.

Natiijadaas ayaa noqotay tan meesha soo galisay McGregor iyo Las Vegas.

Nurmagomedov wuxuu taageerayaashiisa u ballanqaaday inuu guulaysan doono, inkastoo McGregor uu laba goor oo hore ugu guulaystay horyaalnimadan, kana shacbiyad badnaa.

Mustaqbalka Nurmagomedov iminka mugdi ayuu ku jiraa.

Lama siin suunka guusha, lacagtii uu heli lahaana waa laga xayiray, ayadoo ku xiran natiijada baaritaanka wixii dhacay cayaarta ka dib.