Masuul Hore Iskaga Casilay Xukuumada Oo Soo Bandhigay Abaal Uu Gashaday Madaxweynaha Iyo Wixii Uu Ka Filayey

0

Agaasimihii hore ee wasaarada qorshaynta qaranka Prof Cabdi Cali Jaamac oo hore iskaga casilay xukuumada ayaa soo bandhigay wakhti adag oo uu kala soo dabaashay madaxweyne Muuse Biixi.

Prof Cabdi Cali Jaamac oo bartiisa Facebook ku baahiyey qoraal u saabsan abaalkii uu madaxweynaha u galay iyo waxyaabihii uu ka sugayey markii uu madaxweynaha ayaa waxa uu ku yidhi qoraalkiisa:-

Markii aan akhriyay comments-kii aad bixiseen; way mahadsan yihiin dadkii fahmay ujeeddada qoraalka, laakiin Qaar baa mooday in aan xil iyo waxaas u calaacalayo; waar kaas anigaa iskaga tagay; horena xildhibaan gole degaan oo aan cidina iga eryi karin baan iskaga tegay; immikana haddaan

xil rabo sidan umaan hadleene, waxa aan hibanayaa waa qaabka la iila dhaqmay; qasab ma ah in xil la ii dhiibo; anigoo dhisay M/weynaha, ninka fahansan baan ahay in aanay qasab ahayn in xil la ii dhiibo; taas kuma doodayo; bal dhugo sheekadan si aad u fahanto waxan tabayo: ma aha xil; ma aha cunto; waa xurmo, waa in talo la i waydiiyo Iwm, laakiin kuwa iimaanka li’i qofkii wax tawdaba waxay u haystaan xil iyo cunto; Ilaahay ha soo hadeeyo!!!

Hawshii ololaha ee Guddoomiyaha uu ku noqonayay ayaanu galnay, aniga waxa ii dheera anigoo ka soo horjeestay raggii ugu tunka waynaa xukuumadda waagaas oo aad u diidanaa musharaxa aanu wadno; waxan joogay Komishanka Aidska; waxan u qirayaa gobonimo; gaar ahaan Xirsi iyo Aamina oo war kasta oo layga geeyay aan maalina i hiifin, xil ka qaadistaydana aan ka hawlgalin; inkastoo aanay suuragasheen xilka-qaadis, maxaa yeelay, haddii aan dareen helo waxa iga go’nayd in aan is-casilo inta aanay xilka iga qaadin; hase yeeshee ma arag wax dareen ah, iyadoo waliba maalin kasta warkayga loo geyn jiray, gaar ahaan markii aan caddaystay taageeridda Guddomiyahii ku meel gaadhka ah ee waqtigaas oo ah M/weynaha immika. Ninka leh dan baad wadatay, waxan leeyahay xilkaygii iyo dantaydii ayaan dabka u saaray nin aan la hubin waagaas inuu guddoomiye noqonayo iska daa m/weyne’e; sababta aan nafta ugu hurayayna waxay ahayd anigoo ku qanacsanaa in la dulmayo!!! ama aan saxsanaado ama aan qaldanaado!!

Waan soo gaagaabinayaaye, guushii baa la helay, xukuumaddii ayaa la soo dhisay; kuma jiro anigu; anigu m/weynaha waxan isku ogeyn haddii aad meel fiican ii weydo, ha igula soo tahanbaabin meel liidata, meelaha aan carabka ku dhuftay waxy ahayd heer wasiir ama wax u dhigma . Isaguna ima odhan maya, ogolaansho ayaan ka dareemayay!!! haddii aanan khaldin akhriska body language-kiisa; oo muxuu ku diidi, xataa waxan ogolahay inuu iga reebo dawladdiisa oo uu reserve iga dhigo.

Anigu runtii markaan reserve lahaa (idinkaan idiin sheegayaaye) waxan niyaddayda ku jirtay waligiiba yaanu ku magacaabin haddii aanu rabin in uu kuu dhiibo meel aad talada waddanka wax ka beddeli karto!! aniga iyo Ilaahayna waan is ogeyn haddii la i dhiibo meel aan waddanka wax ka tari karo taladiisa in aanan waxba la hadhin ee wixii aan jaamacadaha ka akhri jiray aan dabaqo, waliba haddii uu m/weynuhu ila fahmana kaba sii fiican!!! Allase ma qadarin!!! waxan ku adkeeyey in meel aanan ummadda wax uga tari karin ay ii dhaanto in aan keyd noqdo; kalmaddan istimcaalay waxay ahayd ciyaartoy reserve ah; taasi waxay ahayd maalmo yar ka hor intaan la codayn; waa la codeeyay; guushii baa la helay, dheg jalaq iima siin oo dawladdii igumuu soo darin; ciyaartoy reseve ah ayaad tahayna ima odhan; runtii cidhiidhi bay i galisay in aan labadaa midna ka waayo m/wynaha.

Jabba waa ka danbeeyee, waxa ii suurogashay in aan is aragno todobaad ka bacdi markii uu ku dhawaqay golihiisa wasiirada, la soco wixii na kala qabsaday!!!!