Madaxweynihii Hore ee Killilka Shanaad Oo Mar Kale Maxakamada La Hor keenay

0

Mar Kale ayay Maanta Xeer Ilaalinta Ku Taala Addis Ababa ay dhagaystay Dacwada Loo Haysto Madaxweynihii Hore ee Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar.

Xeer Ilaalinta ayaa dalbatay in mar kale la siiyo toban maalmood oo ay ku soo baadhayaan danbiga loo haysto Madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxa ay u noqonaysaa markii saddexaad ee la hor keeno Maxakamad, waxaana uu markii ugu danbaysay isaga iyo masuuliyiin kale oo la xidhani ay dalbadeen in loo ogolaado Salli nadiif ah oo ay ku tukadaan salaada, cuntooyin iyo waliba daawooyin ay qaadan jireen.