Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka hadlay xalaada siyaasadeed ee dalku marayo, xiisada Xisbiga Kulmiye, is marin waaga Xisbiyada ee Komishanka iyo aragtida uu ka aamisan yahay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Jaamac Shabeel.

0

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka hadlay xalaada siyaasadeed ee dalku marayo, xiisada Xisbiga Kulmiye, is marin waaga Xisbiyada ee Komishanka iyo aragtida uu ka aamisan yahay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Jaamac Shabeel.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi “In wixii khilaaf ah laga wada hadlaa oo la is qanciyaa waa lagama maarmaan, qolada Guddiyada ah ee Xisbiga wada, baa laga rabaa inay fadhiistaan oo ay ka hawl-galaan in wixii khilaaf ah ee jira ay xaliyaan, wiixii dhacayna waa la og yahay, bini’aadanku mararka qaar wey is qaniinayaan, laakiin waxaa muhiim ah in cadaawad fog oo jirta aan la isku hayn, cadawad fog oo qabaa’il ku dagaalamayaana ma jirto, ee waxaa la isku hayaa waa Siyaasad iyo Xisbigii iyo hadal, waxaanu rajaynaynaa in khilaaf dambe dhicin, dhib dambe oo soo socotana la sii dejiyo, oo la qaboojiyo, haddii faraha laga qaado wixii khilaaf ah ee jira, oo sheekada lagu daro ha iska socoto, oo aan laga feejignaanin, lagana hor tagin, waa caqli daro, wax walbana wey fidaan, cudurada oo kaliya ma fidaan ee talo xumaduna wey fidaa, ee caqligu ha shaqeeyo, khilaafka Xisbiga talo wanaag ha lagu dhammeeyo, wax walba waxaa ka qaalisan dawladnimada iyo xisbinimada, oo dadka ku jira ayuuna xil saaran yahay, dulqaad, deganaasho iyo cafis iyo in qalbi furan la isku cafiyo ayaa looga baahan yahay,intaas oo sanno ayuu Xisbigu soo jiray, inta aan xasuusan nahay is qabad guruub ah iyo is qabad shakhsiya muu jirin, haddii ay jireena waa laga hor tagaayey, imikana waxaanu doonaynaa khayr qabayaashii barigaasba u gurmanaayey haddana inay arintan galaan, oo laga hor tago khilaaf fida, si aanay u dhicin in Xisbiga Kulmiye oo ah Xisbiga taladda haya in makhaayadaha  iyo marfashida lagaga sheekayo oo aad loo jeclaysto inuu Xisbigu khilaaf ka bixiyo waayo, taladdayduna waa ha la xaliyo wixii khilaaf ah ee Xisbiga dhexdiisa ah”.

Caddami ayaa mar uu ka hadlaayey aqoonta uu Madaxweynaha u leeyahay ayaa yidhi “Madaxweynuhu waa masuulkii qaranka ugu sareeyey, xil qaran baana saaran, Xisbiga oo kaliyana uma xidhna, cid kastana isaga ayaa Xisbiga iyo qarankaba uga lexe-jeclo badan, waana Xisbiga uu Madaxweynaha ku noqday, Madaxweynuhuna maaha nin fog ee waa nin aqoon leh oo dadaalkiisa iyo raganimadiisa ku gaadhay jagada uu hadda hayo, wakhti la isku naco iyo wakhti lagu kala samro lama gaadhine, ee waxaan rajaynayaa in si deganaasho leh oo bilaa turxaana wax loo dhammeeyo, qof walbana ay daris u noqoto, mana lihi Ragga ha la lagdansiiyo, hana la isku sii daayo maya, ee fursada ka furani waa fursad ay Xisbiga Madaxdiisu ku hagaagi karaan, oo ay dhammayn karaan”.

Mar uu ka hadlaayey Jaamac Shabeel iyo aqoonta uu u leeyahay ayaa yidhi “Jaamac Shabeel laftiisu waa nin  wax garanaya, oo mutacalin ah, oo furfuran oo aan xidh-xidhnayn, qiimaha iyo magac xumida uu khilaafku leeyahayna uu yaqaana, Jaamac Shabeel wanaaga iyo odayeyntana oday buu u yahay, haddii aanu qof xilkas ah ahayna jagada Guddoomiyaha Golaha Dhexe looma dhiibeen”

Caddami ayaa mar uu ka hadlaayey is marin waaga Xisbiyada ee Komishanka Doorashooyinka ayaa yidhi “Inay Xisbiyadu heshiiyaan, oo wixii ay isku hayaan ka heshiiyaan ayaa loo baahan yahay, uma taag hayno inuu wakhtigu gurmo oo Doorashooduna dib inooga dhacdo, ee Madaxda Xisbiyada waxaan leeyahay isku luuqad iyo isku tol baynu nahay, ee cid inoo kala turjunta oo arimaha aynu isku haynana soo dhex gasha uma baahnin,ee dhexdeena waa in wixii jira ee aynu isku hayno ka dhamaysanaa, Dimuqraadiyada aynu hirgalinay, waa lagu majeerta, Madaxda Xisbiyaduna mar walba waxa looga baahan yahay inay muujiyaan xilkasnimo iyo is fahan dhexdooda ah, si aanay mar dambe u dihcin in Doorashooyin dambe ay dib inooga dhacaan”.