Nooc Cusub oo Ibna aadanka Lagu qafaasho oo ka biloowday Xamar

0

Xubin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa soo bandhigtay “dhibaato ka jirta magaalada Muqdisho oo haysata gabdhaha dhallinyarada ah ee qurbaha laga keeno”.

Jawaahir Baarqab oo ah guddoomiyaha ururka haweenka ee Gobolka Banaadir ayaa BBC u sheegtay in ay jiraan dad “gabdhahaas siiya tubaako la yiraahdo Tabuu, taasoo marka ay dawakhiso ka dib la geeyo guryo gabdhahaas lagu haysto”.

Sababta haysashada ayey ku sheegtay in ay ka dambayso ujeeddo dhaqaale oo ah in “lacagaha dibadaha looga soo diro ay la cunaan”.

Waxay beenisay in ay ka hadashay “kufsi ama galmo loo gaysto gabdhahaas”, waxayna intaa ku dartay in ay garanayaan “guryaha gabdhahaas geeyo”.

Dhibaatada waxay dusha ka saartay “maandooriye dalka la soo galiyo oo si raqiis ah ay dhallinyarada ku helaan”.

Waxay kaloo farta ku fiiqday in dhibaato taas la mid ah ay ka jirto xeebaha loo tamashle tago.

Mar wax laga weydiiyey sababta ay wax uga qaban la’ yihiin ka maamul ahaan arrintan, marba haddii ay ogaadeen inay jiraan guryo la geeyo gabdho da’ yar oo halkaa lagu hayo ayey Jawaahir Baarqab tiri “ma doonayo in aan ka hor dhaco, waxaan doonaynaa in aan xogta la wadaagno laamaha amniga”.

Waxay intaa ku dartay in ay arrintan ogaadeen mar ay raadinayeen “laba gabdhood oo qurbaha laga keenay oo la la’aa in muddo ah”.

Waa markii ugu horraysay ee mas’uul dawladda ka tirsan uu ka hadlo arrintan oo si hoose loo hadal hayey in muddo ah, mana jirto cid ilaa hadda loo qabtay.

Ururrada bulshada, culumada iyo hay’adaha amaanka iyo kuwa garsoorka ee dawladda ayaan iyagana ka hadlin ama wax ka qaban.