Mareykanka oo duqeyn ku dilay sagaal Shabaab ah

0

Militariga Mareykanka ayaa sheegay inay ugu yaraan sagaal mintidiin Shabaab ah ay ku dileen duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Koonfurta Soomaaliya, taasi oo la fuliyey kadib markii Shabaabka ay weerareen ciidamada dowladda Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in sidoo kale ugu yaraan hal mintid oo kale oo Shabaab ah lagu dhaawacay weerarka,

Weerarka oo la fuliyey ayada oo lala shaqeynayo dowladda Soomaaliya, ayaa waxa uu isniintii ka dhacay meel 40km waqooyi bari ka xigta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

“Weerarka wax khasaare dhimasho ama dhaawac ah ma gaarsiin dadka shacabka” ayaa lagu yiri bayaanka militariga Mareykanka.

Ciidamada Mareykanka ayaa sanadkan Soomaaliya ka fuliyey in ka badan 20 duqeyn.