Sababta Xil ka Qaadista jaamac shabeel iyo Dareenkiisa oo uu u Sheegay BBC

0

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga talada haya ee Kulmiye, Axmed Cabdi Dheere, ayaa maanta waxa uu sheegay in guddiga fulinta ee Xisbiga kulmiye uu xilkii guddoomiyenimada golaha dhexe iyo kii xubinnimada golahaas laga qaaday Jaamac Ismaaciil Cige oo ahaa guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee Kulmiye, kadib markii golahaasi uu fadhi ku yeeshay xarunta dhexe ee xisbigaasi uu kulleyahay magaalada Hargaysa.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye, Axmed Cabdi Dheere, ayaa sababta xilka qaadistaan ku sheegay in guddoomiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) uu ka horyimid siyaasadda iyo xeerka xisbiga, asagoo ku kacay abaabul iyo kicin kadhan ah siyaasadda xisbiga iyo xukuumadda uu katirsan yahay, wuxuuna sheegay in marar badan uu adeegsaday warbaahinta oo uu eedaymo usoo jeediyey xukuumadda iyo xisbigaba.

Dhinaca kalena Jaamac Ismaaciil Cige waxa uu BBC-da u sheegay in xilka qaadistiisu aanay sharci ahayn iyo in jagada guddoomiye ku xigeenka labaaad ee xisbiga Kulmiye ay bannaan tahay oo aan wali la dooran xisbiguna aanu ansixinba Axmed Cabdi Dheere, sidaas darteedna aanu sharci u lahayn in uu isugu yeero xubnaha gudiga fulinta oo isla mar ahaantaasna ay go’aanno qaataan.

Jaamac Shabeel wuxuu kaloo intaas kudaray in golaha dhexe uu yahay hay’dda ugu sarraysa ee xisbiga oo uu ka sarreeyo guddiga fulinta isla mar ahaantaas ay asaga soo doorteen golohaasi, sidaas darteedna xilka qaadistiisu aanay ahayn mid sharciga waafaqsan uuna gadaal ka sheegi doono faahfaahinta arrintan la xiriirta.