Ex Madaxawyne xasan Sheekh oo Loo Doortay Hogaamiyaha Midowga Mucardka Somalia

0

Madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta loo doortay inuu noqdo hogaamiyaha isbahaysi cusub oo lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Ex madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si ku meel gaadh ah loogu cumaamaday inuu hogaanka u qabto isbahaysiga Midawga Nabada Iyo Dimuqraadiyada(UPD).

Isbahaysiga UPD oo u muuqda mid mucaarid ah oo ka soo horjeeda dawlada madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaarihiisa ayaa waa ku midoobay sadex xisbi siyaasadeed oo kala  ah Daljir, PDP iyo Kutlada horu socod.

Ex madaxweyne Xasan Sheekh ayaa loo gartay inuu lixda bilood ee soo socda si ku meel gaadh ah u hogaamiyo isbahaysiga UPD iyada oo la

qorsheeyey in doorashada hogaanka ee isbahaysigaasi iyo murashaxa ku matalaya doorashooyinka soo socda  la qabto horaanta sanadka soo socda.

Midowga xisbiyadda ayaa ku soo aaday xilli doorashada lugu wado dalka inay ka dhacdo sannadka  2020-ka ay ku tartamaan xisbiyadda ,iyagoo matalaad ku yeelanaya Baarlamaanka, inkastoo ay jiraan caqabado kala duwan oo hannaanka doorashada wajihi kara oo amniga uu ugu horreeyo.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya,Mahdi Maxamed Guuleed ayaa horey u shaaciyay in dowladda haatan jirta mas’uuliyiinteeda ay sameyn doonan xisbi uu guddoomiye u noqon doono madaxweynaha xilka haya ee Farmaajo, si ay doorashada soo socota uga qaybgalaan.