Trump: laanta dambi baarista FBI-da ha baarto Brett Kavanaugh

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku siiyay laanta dambi baarista Mareykanka ee FBI inay baaraan eedeymaha faraxumaynta ah ee loo haysto ninka loo soo magacaabay inuu kamid noqdo garsooyaasha maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka, Brett Kavanaugh.

Xildhibaanada golaha aqalka sare ayaa mar sii horreysay Brett Kavanaugh uu soo magacaabay jagadan.

Muddo toddobaad ah ayaa lagu dhagannaa ninkan, xildhibaanada golaha aqalka sare ayuu hortaggay si wax looga weydiyo eedeymaha loo jeediyay.

Garsoore Kavanaugh wuxuu hortaggay maxkamadda racfaanka, waa uu beeniyay eedeymaha ay u jeediyeen ugu yaraan saddex haween ah.

Khamistii, guddiga aqalka sare ayaa caddeymo ka dhagaystay Christine Blasey oo ah profesoorad ku takhasustay cilmu nafsiga oo sheegtay in garsoorahan uu faraxuumeeyay sanadihii siddeetamaadkii xilliggaasi ay labaduba da’ yaraayeen.

Garsoore Kavanaugh ayaa si carol leh u beeniyay eedeymaha,wuxuuna ka dhawaajiyay in uusan faraxumaynin Christine Blasey iyo qof kaleba.

Wuxuuna ku eedeeyay xildhibaanada ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga inay siyaasadeynayaan arrintaasi ayna doonayaan inay sumcadda ay ka haleeyaan.

Inkastoo Madaxweyne Trump uu amar ku siiyay FBI-da inay baaraan garsooraha, weli wuxuu sii wadaa inuu sii difaaco.

Just started, tonight, our 7th FBI investigation of Judge Brett Kavanaugh. He will someday be recognized as a truly great Justice of The United States Supreme Court!