Garoowe Koox Daroogiistayaaal ah oo aay isku dhaceen Ciidanka Booliiska Garoowe oo Dhaawac iyo Dhimashaba gaystay

0

Taliyaha xasilinta gobolka Nugaal, Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa faahfaahin ka bixiyay iska hor imaad dhex maray ciidamada amniga iyo kooxo hubaysan oo ka ganacsada waxyaabaha  maanka dooriya.

 

Taliyaha ayaa sheegay iska hor imaadkaan inuu ka dambeeyay kadib markii ciidamadu ammaanku ay qaadeen howgal ka dhan ah Maandooriyaha, isagoo sheegay inay iska caabin kala kulmeen koox maandooriyaha ka ganacsada oo ay ciidamadu doonayeen inay gacanta kusoo dhigaan.

Taliye Muxyadiin waxa uu sheegay iska hor imaadkaan inay ku dhimatay qof dumar ah oo ay haleeshay rasaasta la isweydaarsanayay, sidoo kale ay ku dhaawacmeen labo kamid ah ciidamada amniga ee howgalka ka qeyb qaadanayay.