Midowga Yurub ayaa daboolka ka qaaday in isbeddel laga sameeyey waxbarashadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay kordheen  wiilasha iyo hablaha dugsiyada la qoraa.

0

Midowga Yurub ayaa daboolka ka qaaday in isbeddel laga sameeyey waxbarashadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay kordheen  wiilasha iyo hablaha dugsiyada la qoraa.

Siday Werisay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA oo soo xiganaysa warbixin maanta ay soo saareen Midowga Yurub oo lagu sheegay in Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland, Midowga Yurub iyo Hay’adda  Global Partnership For Education, ay 17kii iyo 18kii bishan wadajir u qabteen  Hargeysa shir ay dib u eegis ku sameynayeen qorshaha waxbarashadda ee dalka.

Warbixinta Midowga Yurub waxa  lagu caddeeyey in shirkaas lagu qiimeeyey hadafkii la  hiigsanayey,

waxa kaloo lagu dejiyey qorshe hawleedka  tacliimeed ee sannadka 2019ka, kaasi oo waafaqsan  barnaamijka waxbarasho 2017ka illaa 2021ka.

Midowga Yurub waxay intaas ku dareen in himilooyinka waxbarashadda Somaliland ee sannadka 2019ka ay ka mid yihiin in kor loo qaado  ka qaybgalka waxbarashadda ee wiilasha iyo hablaha, in la horumariyo tayada waxbarashadda, tababarka macalimiinta iyo in la xoojiyo maamulka waxbarashadda waddanka.

Waxa kaloo warmurtiyeedka lagu xaqiijiyey in xukuumadda Somaliland balanqaaday inay kordhiso xaddiga miisaaniyadda ee dhinaca waxbaraashada oo la gaadhsiinayo  13% sannadka 2021ka.

Geesta kalena, Wasiirka Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa  iftiimiyey inay  xukuumadda Somaliland ka go’an  tahay inay ka dhabeyso  qorshaha waxbarasho ee dalka, iyadoo kaashanaysa bah-wadaagta kala shaqeysa  dhinaca waxbarashadda.

Fulgencio Garrido Ruiz oo ka  tirsan saraakiisha midowga Yurub ayaa ku ammaanay  Wasaaradda Waxbarashadda tallaabooyinka ay qaaday iyo sida ay kordheen wiilasha iyo hablaha dugsiyadda la geeyaa.