Badhasaabka Mombasa oo ka Hadlay Iskaashi ay Yeelanayaan Dekedaha Berbera iyo Mombasa

0

Xukuumadda Somaliland iyo  Maamulka Gobolka Mombasa ee dalka Kenya,  ayaa wada qorshe lagu abuurayo iskaashi ay yeeshaan  dekedaha  Berbera ee Somaliland  iyo Mombasa ee Waddanka Kenya.

  Wakaalladda Wararka Somaliland, ayaa baahisay Warbixin ay ka soo xigatay  Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana warkaasi

oo ay  SOLNA soo turjuntay u dhignaa sidan:-

“Badhasaabka Gobolka Mombasa, Xasan Joho iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar,  ayaa wadajir u falanqeeyey  sidii labada dekedood ee Mombasa iyo Berbera ay u yeelan lahaayeen iskaashi shaqo.

.“Hadafkayagu waa  sidii  ay  u wada shaqeyn lahaayeen  labada dekedood, si kor loogu qaado xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo Kenya. Waxaanu doonaynaa inay dekeduhu ka wada shaqeeyaan  wixii dan u ah marsooyinka labada dal,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Mombasa Xasan Joho.

Waxa kaloo uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu casriyeynta marsadda Berbera ee Somaliland, oo uu ku dooday  inay u wanaagsan tahay mandaqada oo dhan.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Danjire Baashe Cawil ayaa sheegay in dekedda Mombasa oo ah  marsadda ugu mashquulka badan Geeska Afrika, ay doonayaan  inay wax ka korodhsadaan.

 Baashe Cawil wuxuu   u sheegay  Wargeyska Daily Nation in  ay u soo bandhigeen madaxda gobolka Mombasa waxyaabaha  dekedda Berbera ku wanaagsan tahay sida ganacsiga dhoofka xoolaha, waxaanu xaqiijiyey inuu  u soo jeediyey  ganacsatada xoolaha Mombasa inay  wixii waayo aragnimo ah kala shaqeeyaan marsadda Berbera.

Badhasaabka Mombasa waxa uu    machadka tabobarka dowladda Kenya ku soo dhaweeyey ardayda reer Somaliland ee  barata culuumta baddaha.

Ugu dambayn, Daily Nation waxa uu weriyey in ballaadhinta dekedda Berbera ee ay fulinayso   Shirkadda DP World oo xukuumadda Somaliland la gashay heshiis ay ku baxayso lacag dhan $442 Milyan oo Doolar, kaas oo qorshuhu yahay inay noqoto marin ganacsiyeedka Geeska Afrika.”