Yuusuf Garaad oo shaaciyey in Baarlamanka Somalia la curyaamiyey, siyaasigan ahaan jiray wariyaha bartiisa fasebook ayuu soo dhigay qoraalkan

0

Yuusuf Garaad oo shaaciyey in Baarlamanka Somalia la curyaamiyey

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Yuusuf Garaad Cumar ayaa baaq u diray Barlamaanka, isaga oo shaaca ka qaaday in laga marin habaabiyey hawlahoodii.

Yuusuf waxa uu sheegay in xoogagga isku haya siyaasadda Soomaaliya ay keentay in xildhibaanada ku adkaato in ay aragtidooda dhibitaan. Ma uusan shaacin waxa ay yihiin xoogagaas, balse waxaa loo qaatay dowladda iyo mucaaradka.

Qoraalka uu maanta soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yidhi:

Yusuf Garaad

✔@ygaraad

Xildhibaanka waxaa ku waajib ah in arrin kasta oo la horkeeno Baarlamaanka uu ra’yi ama haddii ay gaarto uu cod ka dhiibto. Ma ahan in Baarlamaanka la cuuryaamiyo si looga manaafacaadsado laba dhinac oo is diiddan.