Hargaysa[Biyo Guure News] Aniga iyo Madaxwaynaha wax Khilaaf ahi ma jiro laakiin jaamac shabeel kuma hadli karo afka Xisbiga Kulmiye, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid

0

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweynaha Somaliland.

Waxa uu xusay in uu warkaasi yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn isla markaan lagu baahiyay baraha bulshadda.

“Arrintaas Waxba kama jiraan, waxaanay ku qornaayeen Baraha ay bulshadu ku kulanto waxaana la lahaa aniga (Xoghayaha Guud Ee Kulmiye), Guddoomiyaha Golaha Dhexe iyo Madaxweynaha ayaa is haya, warkaasna waxba kama jiraan waana been” ayuu yidhi Xasan Siciid Yuusuf Xoghayaha Guud ee Kulmiye.

Sidoo kale waxa uu xusay in


Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye oo dhawaan ka hadlay xeerka kufsigu uu yahay uu ku hadlay afkiisa gaarka ah, hasayeeshee aanu xisbiga ku metelin waxaanu yidhi “Jaamac wuxuu ka hadlay arrintii ku saabsanayd Xeerka Kufsiga, waxaanu u hadlay sidiisa shakhsiga ah, jaamac Shabeel maaha hogaanka Xisbiga, afhayeenka Xisbigana Maaha, magaca xisbiga iyo afka xisbigana kuma hadli karo.

Haddii uu hadlayna xor buu u yahay in uu shakhsiyadiisa u hadlo, laakiin Xisbiga Kulmiye hogaan buu leeyahay aniguna waxa aan xogahayaha guud ee xisbiga, afhayeen buu leeyahay, Guddoomiye ayuu leeyahay wixii qadiyad ahna xisbiga Dhexdiisa ayaa lagaga hadlaa, Laakiin suuqa lagagama hadlo, madaxweynahana ismaanu qaban.

Umadda hadalkaas maqashayna waxa aan u cadaynayaa in tahay been aanay waxba ka jirin haba yaraatee, Madaxweynuhuna, waa madaxweynahayagii, waa guddoomayahaygii xisbiga, iminka ayaanan ka soo baxay xafiiskiisii” ayuu yidhi Xasan Siciid Yuusuf oo uu waramayay Eryal.