Prof:Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, iyo masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan xidhiidhka la sheegay inuu Sucuudigu doonayo inuu la yeesho Somaliland iyo amuuro kale.

0

Prof:Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay xidhiidhka Sucuudiga ayaa yidhi “Way wanaagsan tahay in Sucuudigu xidhiidh la yeesho Somaliland, is bedel culus baana soo socda ee waxa wanaagsan in la isku diyaariyo,is bedel xoogan ayeyna Somaliland u baahan tahay, waxaana wanaagsan inaynu Siyaasadeena wax ka bedelno, oo aynu la jaanqaadno is bedelada ka socda Geeska Afrika, doorkeenana qaadano”.

Prof:Buubaa mar uu ka hadlaayey socdaalkii Badhan ee Madaxweynaha Puntland ayaa yidhi ‘Cidla ayuu inaga helay Cabdiwali Gaas, olole ayuu kolay ku jiraa, oo arintan lagulama socdo, oo Dad badan oo Siyaasiyiin ah oo reer Puntland ahi kulama socdaan, socdaalkiisana olole ayuu ka dhiganaya,  anigana waxay ila tahay qof aad fadhiga kaga adag tahay la iskuma sare taago, markaas inaynu Puntland iskuba taagno, anigu umaba arko, cidda loo baahan yahay inaynu la hadalno ee heshiis dantooda iyo danteenu ku jirto aynu la heshiino waa Soomaaliya oo dhan, Puntland waa Gobol Somaliya ka tirsan, waxaana haboon inaynu ula dhaqano sidii Gobol inay tahay, mana aha dawlad dhiggeena oo kale ah, haddii aad sare u qaado, oo aad isku taagto oo dagaal iyo waxaas la timaado, adiga ayaa hoos isku dhigaya”.