Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa madaxda Xisbiyadda Mucaaradka ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe ku tilmaamay inay ka mid yihiin shakhsiyaadka ay Somaliland nasiibka u heshay.

0

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo ka hadlay barnaamij taariikhi ah oo uu diyaariyay Wariye Cali Jibriil Xirsi, ayaa waxa uu labadaas siyaasi ku bogaadiyay go’aanka ay ka qaateen doorashooyinki madaxtooyadda ee dhacday sannadkii hore, waxaanu ugu horeyn yidhi “Fursadan ayaan doonayaa qodob hore igu seegay oo ah inaan si buuxda u tahniyadeeyo kuna hambalyeeyo Cabdiraxmaan Cirro Iyo Faysal       Cali Waraabe, waayo dhibaato kasta oo doorashadii ugu danbaysay ka dhacday hadana ha yara cawdaan intii hore oo

xaq ayay u lahaayeen wixii ay ka cabanayaan ay ka cawdaan oo wixii dhibaato ay sheeganayaan ay sheegtaan, laakiin inay aakhirkii natiijadii dorashada ogolaadaan ay si nabadgalyo ahna go’aamiyeen in wixii dhibaato ah loo xaliyo, aad iyo aad ayaan ugu hambalyaynayaa.

Waxaanan horena u idhi iminkana aan si furan u odhanayaa Cabdiraxmaan Cirro iyo faysal Cali Waraabe oo kale shaqsiyaadka ay Somaliland ku nasiibka badan tahay ayay ka mid yihiin, odaynimo waayeelnimo iyo gobonimo ayay muujiyeen, dhibaatooyin macnaheedu maaha ma jiro ee wixii dhibaatooyin ah waa wax la xalin karo oo si nabad galyo ah lagu xaliyo dariiqaas ayay mareen waana aan ku hambalyaynayaa” ayuu yidhi xasan Ciise Jaamac.